DILKII M/WEYNE C/RASHIID CALI SHARMAARKE UJEEDO SIYAASADED IYO AANO QABIIL MIDKEE LAGU KHAARAJIYEY 15.10.1969.

0
396
DILKII M/WEYNE C/RASHIID CALI SHARMAARKE UJEEDO SIYAASADED IYO AANO QABIIL MIDKEE LAGU KHAARAJIYEY 15.10.1969.
 
Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf Saleebaan (Free lance journalst)
15.10.1969 Oo maalintu ahayd Arbaca xili goor sheegtu ku beegantahay 12.00Pm saacada geeska afrikada bari ayaa M/weynihii Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane C/rashiid Cali Sharmaarke lagu dilay Magaalada Laascaanood oo ka tirsanayd Gobolka Burco, Gacanku dhiiglaha Dilka geystay oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska Magaciisuna ahaa Siciid Yuusuf Ismaaciil (Jahanaba) Qoriga uu falkan ku galay waxaa Lambarkiisuna 34849. (Sida ku cad Warbixin hordhac ahayd oo goobtaasi uu kasoo diray Taliyihii Qaybta Booliiska Maxamed Saqadhi Dubad).
 
 
Qoraal kale oo kamid ahaa Galkii ama Dhukumentigii kiiskaasi laga sameeyay ayaa isna waxaa kamid ahaa M/weyne C/rashiid oo ku dhashay Deegaanka Xarardheere, sanadkii 1903./M/hooyo Faadumo Cilmi Caalin,
 
Hadaba dilka M/weynaha oo umadda Soomaaliyeed si weyn uga naxday marka loo eego shaqsiyadda Marxuumka oo lagu tilmaami jiray M/weyne qunyar socod ah oo bulshada uu xukumaa ku jeclayd siyaasadiisa degan, inkastoo sheekada dilkaasi siyaabo kala duwan loo fasiray sababta keentay, hase ahaatee 6 Cisho kadib waxaa talada la wareegay Ciidamada Qalabka sida talaabadaas oo badka soo dhigtay in falka Hogaamiyaha lagu khaarajiyey ahaa shirqool dhagaraysan oo awooda lagaga tuuraayey Dowladii rayidka ahayd ee M/weyne C/rashiid iyo Ra’iisalwasaare Cigaal madaxda ka ahaayeen,
 
Marka hadaba dib loo milicsado dareenkii hogaamiyeyaashii Caalamka ee xiligaasi siday uga hadleen dhacdadaasi gaar ahaan wadamadii saaxiibka dhow la ahaa Jamhuuriyadda Soomaaliya. sida ku xusan qoraalo laga helay kaydkii Wakaalada Wararka Soomaaliyeed SONNA (Somali National News Agency) Dhambaaladii ugu horeeyay ee loogu baroordiiqayey Dilkaasina waxay ka yimaadeen
-M/weynihii Dalka USA Lyndon B. Johnson.
-Boqor Xayle salaasihii Itoobiya
-Boqor Xasankii 2aad ee Marooko
-M/weyne Jamaal C/naasirkii Masar
-M/weyne Julias Narerigii Tanzania.
 
Dhinaca kalena Warbaahinta Dunida ee wakhtigaa bulshada Aduunku sida aadka ah ugu xidhnayd ayaa ka hadlay Saamaynta Dilkani ku yeelan karo Geedi socodka Siyaasada Somaliya. Idaacada Dowladda ee Magaalada Qaahira ayaa baahisay faalo uu qoray suxufi lagu magacaabi jiray Ibraahin Alxamuumi 17.10.1969, wuxuu ku qaadaa dhigay loolanka siyaasadeed ee udhexeeya Quwadaha waaweyn Ruushka iyo Maraykanka oo tartan ugu jiray gacan ku dhigista mandiqada Geeska Afrika oo leh Istaraatijiyad marinka badda ah, gaar ahaan Suryadda Baabalmandab iyo khooriga gacanka Cadmeed,
 
Faalo-qorahan reer Masar wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay raysal-wasaaraha da’da yar ee Soomaaliya Maxamed Ibraahin Cigaal oo waxkusoo bartay Dalka Ingiriiska, dhalasho ahaana kasoo jeeda Maxmiyada Somaliland Protectrate horena u ahayd deegaan Boqortooyada ingiriisku mudo dheer xukumaysay, siyaasadiisuna u janjeedho dhinaca reer Galbeedka maalmo ka hor Dilka C/rashiidna 7.10.1969kii khudbad uu ka jeediyey fadhiga golaha loo dhanyahay ee qaramada Midoobayna kaga hadlay laba qodob oo kala ahaa
 
1-in la taageero qadiyadda Dadka Reer Falastiin iyo arinta
2aad oo ahayd in Dalka Shiinaha uu kamid noqdo wadamada Awooda ku leh Qaramada Midoobay iyadoo la eegaayo Miisaanka iyo tirada mujtamacaasi. Suxufi Ibraahin Al-xamuumi wuxuu walaac weyn ka muujiyey in dilkani hordhac u noqon karo inqilaab ay ku kacaan Ciidamadu.isagoo tusaale usoo qaaday Laba Afgembi oo sanadkaasi 1969kii ka dhacay Wadamada Suudaan oo badhtamihii bishii Abriil ay talada la wareegeen Koox uu hogaaminaayey Maxamed Jacfar Numayri, iyo Dalka Liibiya oo 22.9.1969kii uu xukunka gacanta ku dhigay Mucamar Al-qadaafi oo kursiga ka tuuray Boqor Idiris,
 
Dhinaca kalena qaabka ay u dhacday khaarajinta M/weynaha oo dadkii goobjooga ahaa uu kamid ahaa dareewalkiisii gaarka ahaa Maxamed Cige-sayid oo maalintaasna gacantiisa ku waday Baabuurkii M/weynaha warbixin laga qoray wixii indhihiisa uu ku arkaayey iyo sida xaaladu ahayd wuxuu sheegay:-
 
“maalintaa waxaa M/weynaha ka muuqday calaamad aanan hore ugu aqoon, wejigiisuna wuxuu ahaa mid aan furfurnayn kaftankii iyo dhoolacadayntii waxaa bedelay aamusnaan aan u qaatay in Arin cusubi kusoo kordhay mararka qaar ayuu dhabanka gacanta ku ilaawayey oo feker dheer gelaayey, iyadoo aanu markeliya juuq odhanin ayaanu kusoo dhowaanay kadinka laga soo galo Gurigii loo diyaariyey weftiga M/weynaha intuu hoos u foorarsaday ayuu hadana markiiba madaxa kor u qaaday kadib intuu bisinka qabsaday ayuu jaleecay dhinaca midig. Gudaha ayaanu soo galnay meel banaan oo gaadhiga M/weynaha loo diyaariyey ayaan bireega ku qabtay kadib maxaa xigay…waa Maxamed Cige-sayid oo sheekadii inoo wada’e. markii gaadhigu istaagay ayaa Nin Sarkaal ahi si dhaqso ah Daaqadii M/weynaha uga furay. Waxaanu marxuumku u dhaqaaqay dhinacii Albaabka gudaha looga gelaayey, dhowr talaabo markuu hore usocday Aniguna aan dhulka usoo degay oo daaqadii uu ka degay aan dhinaceeda taaganahay ayaa marqudha Qarax Argagaxleh oo rasaaseed M/weynihii lagu furay ilaa sadex Xabadood baana ku dhacay. Askariga toogtay nin dherer dhexaad ah buu ahaa. Intaasi waa xusuustii uu indhihiisa ku arkaayey ee laga qoray Wadihii Baabuurkii M/weynaha Maxamed Cige-Sayid oo ahaa Nin u dhashay Somaliland oo la sheegay in qoyskiisii hada deganyihiin Magaalada Hargeysa. Hadaba intaan Meydkii M/weynaha dhulka laga qaadin ayaa iska hor imaad xoogani ka dhex bilowday askartii iyo saraakiishii goobta ku sugnayd siday arintaasi u dhacdayna waxaa inoo sharaxaaya Nin katirsanaa Booliiskii halkaasi joogay oo magaciisa la yidhaahdo BAXSANE wakhtigana kamid ah Ciidanka CID ee Berbera waxaana ku bilaabay sheekadiisa Markii M/weynaha la toogtay ninkii xabadaha riday waxaa si xoogan u qabtay Askartii oo markiiba qorigii ayaa laga qaaday. Waxaase dhacday sarkaal sare oo ka tirsanaa madaxdii Booliiska ayaa sare ugu qayliyey “waar ninka dila waar Ninka dila” judhiiba dhowr Askari ayaa qoryihii diyaarsaday oo isku dayey inay gacanku dhiiglaha halkaa ku toogtaan, laakiin Nin Cali-Karaani la odhan jiray ayaa Bastoolad la baxay waxaanu is-hortaagay nimankii Qoryaha Cabaystay “waar aynu ka hadlinee daaya” ayuu ku celceliyey intaa kadibna Booliiskii meesha joogay ayaa laba u kala jabay intii is-lahayd ninka bartaa ku dilana waxaa si adag u horjoogsaday Askar kale oo hadalkaa Cali-Karaani raacsanayd muranka iyo hanjabaada Ciidanka ka dhexbilaabantayna waxay ku dhowaaday car iyo car in xabadu qoriga Afkiisa ka baxdo ayaana lagu sigtay. Aakhirkiina waxaa lagu guuleystay in la badbaadiyo gacanku dhiigle Siciid-jahanama, iyadoo la mariwaayey kooxdii doonaysay in la waraysto si loo Ogaado cida ka dambaysay murankaasina wuxuu abuuray shaki weyn oo kooxdii waa Saraakiishii iyo askartii laga celinaayey Eedaysanaha oo haybtoodu u badnayd Majeerteen loo tuhmo inay lug ku lahaayeen shirqoolka M/weynaha lagu toogtay, si raadka loo baa’biyona ay ugu degdegayeen khaarajinta Gacan-kudhiiglaha. Intaasina waa xusuustii askarigaasi Mr Baxsane uu maalintaas usoo joogay.
 
Dhinaca kalena Nin Reer Boosaaso ah oo lagu magacaabo Dr Sharmaarke xigto dhowna ahaayeen qoyska M/weynaha oo aanu ku kulanay Magaalada Berbera sanadkii 2012, ayaa maalin uu Telefoon kula hadlaayey Hooyo Ruqiya Macalin Daahir oo ahayd xaaskii uu ka geeriyooday Marxuumku waxaan u bandhigay inay qorshaha iigu jirto qoraal aan ka diyaariyo arimo dhowr ah oo uu kamid yahay Dilkii M/weynaha. Waxaana Marwo Ruqiya Macalin ii sheegtay dhowrkii todobaad ee Noloshiisa u dambaysay sidii uu ahaa iyo sifaha ay kasii xusuusato “mudo bil ah koleyba way gaadhaysay intuu habeenkii hurdada ka kaco ayuu salaad quraan akhris iyo duco ilaa salaada subax ku gaadhi jiray, isbedel weyn baana maalmahaas ka muuqday. Dhalaal iyo nuur baana korka uga soo baxay arimaha kale ee aanan weli ilaawina waxaa kamid ahaa rag badan oo siyaasada ay isku hayeen ayey is cafiyeen oo qaarkood uu casuumad u sameeyay, intaasina waa xusuustii aan ka diyaariyey Hooyo Ruqiya Macalin Daahir oo sanadkii 2014kii ku geeriyooday Dalka Kanada.
 
Hadaba marka la eego asbaabaha kala duwan ee loo aaneeyo Dilka M/weyne C/rashiid Cali Sharmaarke, oo inta badan lagu macneeyo inuu ahaa arin siyaasadeed, waxaase jirta Sheeko maalmihii aan qoraalkan gacanta ku hayey uu iiga waramay Caaqil kasoo jeeda Beesha Cismaan Maxamuud, oo iga codsaday inaanan magaciisa xusin, run ahaantiina waxay ahayd sheeko wakhti hore oon caruur ahaa aan ka maqli jiray Odayaasha Magaalada Garoowe. Waxaanay daaha ka rogaysaa utun u dhaxaysay Beesha uu ka dhashay M/weyne C/rashiid iyo Haybta uu kasoo jeeday Gacan ku dhiiglaha oo kawada tirsanaa Qabiilka Majeerteen. Kalana ahaa Cismaan Maxamuud iyo Cali Saleebaan. Waxaana sida la sheegay Sanadkii 1968kii dil ay geysteen beesha Cismaan Maxamuud oo ahayd Qabiilkii uu kasoo jeeday M/weyne C/rashiid oo markalena ahayd Saldanada ama qoyska Boqortooyada Beelweynta Majeerteen, waxaana dilkaasi lagu fuliyey laba Nin oo u dhashay Reerka Cali Saleebaan, dilka labadaasi Ruux oo loogu aaraayey Nin ku maqnaa Beesha Gacanku dhiiglaha waa Cali Saleebaane. Balse waxaa dhacday markii laysugu yimi xalinta arintaasi ee guurtidii labada dhinac isa soo horfadhiisteen odoyaashii ka socday beesha Cismaan Maxamuud ku adkaysteen in magta Ninka keliya ee iyaga ka dhashay uu yahay 120 Halaad, halka labada Nin ee Beesha Cali Saleebaana uu midkiiba yahay 60 halaad, Isugeynta labadooduna tahay 120 Halaad.
 
Markii arintaasi laysku maandhaafay shirkii laysugu yimina lagu kala kacay, waxaa si toos ah usoo faragelisay Xukuumadii waqtigaasi talada haysay, Ra’iisal-wasaare Maxamed X. Ibraahin Cigaal ayaana Taliyihii Ciidanka Booliiska amar cad ku siiyey in Qabiilka Cismaan Maxamuud laga qaado talaabo adag si ay u ogolaadaan qaanta loo sheeganayo wixii hanti ah gaar ahaan Geela Beeshaasina lasoo xereeyo, duqaydii arintaasi ku dhawaaqdayna Xabsiga la dhigo, aakhiritaankiina waxay xaaladu kusoo noqotay in si caadi ah laysugu afgarto Qiimaha magta iyadoo ay meesha ka baxday Diyadii Naaquska ahayd ee Beesha Cali Saleebaan.
 
Inkastoo ay sidaa kusoo afjarantay hadana sheekadeedii waxay si weyn ugu faaftay dhulka afsoomaaliga lagaga hadlo, warkeeduna wuxuu kor u qaaday cadhada cid kasta oo ku abtirsada Qabiilka Cali Saleebaan, dilka M/weynaha wuxuu noqday talaabo lagaga jawaabayo quudhsigii Beeshiisu ku kacday, amuur kale oo sheekadan jiritaankeeda xaqiijinaysaa ayaa iyaduna kamid ahayd Gabayadii ay is-weydaarsadeen Khaliif Xaaji Maxamuud Majeerteen/Cali Saleebaan iyo Ninkii Xasan Cabdi (Dhirbaaxo-jin) ISAAQ labadaasi Nin oo aan waxba isula hadhin waxaa kamid ahaa Beydadka Gabayga Dhirbaaxo jin
Maxamuud Saleebaan markuu deyrka kugu meershay
Markuu ma hurtadiiniyo ninkii Magacleh laynaayey
Lixdan wada muqaawila markuu joogay madaxiinu
Magta Cali Saleebaan Ragii muujiyaan nahaye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here