Donald Trump Oo Dib U Dhigay Qorshihiisii Uu Ku Kala Saarayo Ganacsigiisa Iyo Shaqada Madaxweyne

0
571

Madaxweynaha ladoortay ee Mareykanka ayay ahayd inuu qabto shir jaraaid uu ku faah faahinayo sida uu rabo inuu u kala saaro ganacsiyadiisa iyo nidaamka dawladda , si ayna labada shaqo iskugu dhicin.

Afhayeenka Trump ayaa sheegay in baaqaas uu madaxweynuhu dib u dhigay , waxa uuna sheegay inuu ka hadli doono arrimahaas bisha January.
Sidoo kale waxa uu Trump sheegay inuu u magcaaabayo Goldman Sachs President Gary lataliyahiisa ugu sareeya dhanka dhaqaalah..
Mr Cohn, waxa uu noqon doonaa madaxa gudida dhaqaalaha Aqalka Cad , go’aamadiisuna waxay noqon donaan kuwa saameyn ku leh arrimaha dhaqaalaha ee Aqalka Cad ee Mareykanka.
Sidoo kale Trump waxa uu sheegay inuu Maalinta Salaasada soo magcaabi doono Xoghaya dawladdiisa.