Donald Trump oo jago lataliyenimo u magacaabay wiil uu soddog u yahay

0
411

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa wiilka uu sodogga u yahay ee Jared Kushner u magacaabay inuu mid ka mid ah lataliyayaashiisa sare ee aqalka cad.

Jared Kushner oo hadda 35-sano jir ah, wuxuu kaalin muhiim ah ka ciyaaray ololihii Trump uu xilka ugu tartamay. Shaqadiisa cusub ee aqalka cad ayaa ku saabsanaan doonto dibadda iyo gudaha Mareykanka.

Mr Kushner, oo qabo gabadha Trump ee Ivanka Trump, wuxuu ka shaqeeyaa mashaariicda dhulka, kaas oo leh dano ganacsi oo ballaaran.

Xisbiga dimuquraadiga ayaa ku baaqay in dib u eegid lagu sameeyo magacaabidda oo ay ku tilmaameen inay tahay “qoys jecleysi” iyo arrin khilaaf keeni karta.

Xubnaha guddiga cadaaladda ayaa ku booriyay in waaxda cadaaladda iyo xafiiska anshaxa dowladda inay faragelin ku sameeyaan arrintan.

Xilli sii horeysay, Trump wuxuu Kushner ku tilmaamay “qof aad ugu weyn”, uuna ku faraxsan yahay inuu u magacaabo xil siyaasadeed maamulkiisa ka mid ah.

Trump oo ah ganacsade ka soo jeeda New York, waxaa 20-ka Janaayo loo dhaarindoonaa inuu noqdo madaxweynaha 45-aad ee Mareykanka.

Xubnaha kooxda Trump waxay ku doodayaan in sharciga diidaya in xil loo magacaabo qoyska uusan khuseyn Aqalka Cad.

Sidoo kale waxaa jiro sharciga anshaxa oo diidaya in shaqaalaha dowladda aysan wax faa’iido ah ka helikarin ganacsiga.

Balse qareenka Mr Kushner wuxuu sheegay inuu shaqada ganacsiga ka tagayaao haddii uu qabto shaqada lataliyaha ee Aqalka Cad.

Mr Kushner waxaa loo arkaa inuu sodoggiisa si weyn ugu ololeeyay, wuxuuna kaalin weyn ka qaatay dhinaca istiraatiijiyadda teknolojiyadda.