Donald Trump oo noqday madaxweynaha 45-aad ee Maraykanka

0
395

waaxa qoraya yaasir yare

Soomaaliya oo u hambalyaysay Trump
posted_at
3:43
Dowladda Soomaaliya ayaa u hambalyaysay madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye oo _92347053_trumpokda la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay la shaqeyn doonto madaxweynaha la doortay.

Waxa uu intaasi ku daray in Mareykanka uu Soomaaliya gacan ka siinayay la dagaalanka argagixisada, ayna rajaynayaan wali in ay arrimahaasi iska kaashan doonaan.

Hadliye waxa uu sheegay in go’aanka Trump lagu soo doortay uu ahaa mid ka yimid dad weynaha Mareykanka, sidaa awgeed ay soo dhaweynayaan isla markaana la shaqaynayaan madaxweynaha la doortay.

Haseyeeshee Hadliye waxa uu walaac ka muujiyay hadal dhawaan ka soo yeeray Trump oo ahaa in qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Minnesota ay gaystaan dhibaatooyin ku salaysan xagjirnimo, waxa uuna sheegay in aysan habboonayn in mas’uul uu hadalkaasi ka soo yeero.