‘DOOB IYO DAREENKII!’ Tix Layaab leh oo uu curiyay Halabuurka da’da yar ee Siddiiq Saxardiid “Taabici”

0
655

‘DOOB IYO DAREENKII!’ Tix Layaab leh oo uu curiyay Halabuurka da’da yar ee Siddiiq Saxardiid “Taabici”

Tixdan oo la baxday ‘Doob iyo Dareenkii’ waxa curiyay halabuurka da’da yar ee Siddiiq Saxardiid Axmed “Taabici”. Waxay ka hadlaysaa waayaha iyo duruufaha doobnimada. Waxay sawir

ka bixinaysaa xaaladaha kakan ee ku xeeran nolosha kelinimo, iyada oo sidoo kale na iftiiminaysa quruxda ay leedahay nolosha lammaanuhu. Halabuurku waxa uu tixdan ku socodsiinayaa, isla markaana uu si gaar ah ugu soo halqabsanayaa Halabuur Sakariye Saxardiid Axmed “Awaare” oo ay walaalo yihiin, isla markaana isaga da’ ahaan kor uga weyn. Si kooban marka loo yidhaahdana, Siddiiq waxa uu Sakariye ku leeyahay “meesha ka dhaqaaq oo guurso, annana aannu dhiirranno e.” Waxay tixdani daba socotaa maanso uu hore u tiriyay Halabuur Awaare oo la baxday ‘Hadduu kaa baaho dookhu!’.

Maansadu waxay ku ibo furanaysaa:

Dunta wacan abwaankii

Dadnimada lahaayee

Dadku wada tabaayow;

Ummadeenna dayrkii

Darbigaw ahaa iyo

Saxardiid dirkiisow;

Da’deenana tusaaliyo

Dayaxaw ahaayee

Dayashada mudnaayaw;

Dhaqankeena duugga leh

Midka ila daweeyee

Darxumada ka dhawree

Ka ilaasha dumistee

Dummadeeda qaadiyo

Danabkii Awaarow;

Inaad tahay halyay diran

Duunku waa ogsoon yahay

Anna waan ku darayaa

Daacaddii intaan hubo.

Hadal duurxul lay yidhi

Ammin durugsan waa hore

Ayaa maanta duunkiyo

Maskaxdayda duray oo

Niyaddayda daaree;

Saaxiib dabuubtaa

Horta maad dareentaa,

Mise dagamsanaad tahay?

Dunidaynu joognana

Dadku waari maayoo

Wedku wayna dilayaa;

Taariikh ma duubnaa,

Dhal inoo ducaysoo

Diran mayska reebnaa!

Ninka kali ku daalee

Is duuduuba gogoshow,

Raaxo way danbaysaa,

Marwo kula degtaa dhiman,

Ubad diin leh baa maqan,

Aqal aad dalaysiyo

Dugsigaagi baan jirin!

Mise dhaxanta dayreed

Ma dareentid waligaa?!

Haddii aadan daginood

Dermo jiiftid kaligaa

Subaxdiina lagu dirin,

Shaqo doon u soo bixin,

Duhurkii albaabbada

Idilkood lagaa duwin,

Cagta biyo laguu darin,

Qof ku duugayaa jirin,

Wax kastood danaysaba,

Cid diyaarisaa jirin;

Abaar duunya xaaqdoo

Dabadheer la odhan jiray

Ayaa lagu danbaynoo

Raggu wuu dib jirayaa

Hororkiyo dugaaggana

Darisbaydun noqonoo

Waxaad jiifsan doontaa

Hoy daadku soo galo.

Dulucdeeda maansadu

Dul ka xaadis maahee

Arrinkaygu waa daw

Iyo dhawr digniinood.

Dayrow hal baan tabay

Waxaa tahay nin door loo

Cilmi duubay badan oo

Casriyada is daba mara

Iyo dayax gamceeddada

Cirka sare ka soo dega,

Shanta dawladood ee

Loogu deeqay Fiitoo

Waxa uunka dalal jira

Duruus noogu dhigayoo,

Nolosheenna dahabkaa

Inay daawo leedahay

Daliilkeeda noo qoray;

Misna waad danbaysaa.

Xiddigaha dagaarnaa

Dayaxii u soo baxay

Iyo mee dabkii shalay?

Qalbi Laab salaax deday

Wali muu dabayshane

Miyuu daayay heesii

Damqi jiray quluubaha

Iyo doobka aan kicin?!

Cabdisataar miyuu diday?

Codkii muu ka dabar go’ay?

Miyuu daayay wiilkuu?

Guurka ugu ducayn jiray?!

Doodna Ina Saleebaan

Maanuu kuuba soo dirin?

Ma dareemin Dhiganee

Ku dakaynta noloshiyo

Tan dardaarankeedii

Casharkii ku deeqsiin?

Talow may dabooleen?

Awrkii dawaad leba

Ka kalaa ku daydee

Annaguna dayownoo

Dookhiina luminnee

Darka maa bannaysaan?

Siddiiq Saxardiid Axmed “Taabici”

Email: taabici1@gmail.com

Facebook: Sidiq Sahardid Taabici

Burco, Somaliland