Door-roonihii Da’dii aan ogaa: Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi (Bashiir) (1956kii – 1987kii) Q11aad

0
444

 

Door-roonihii Da’dii aan ogaa: Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi (Bashiir)

                                          (1956kii – 1987kii)

“Warka shalayto nagu soo dhaceen, aad u dhego-beellay,

Dhinbiilaha sidoodu wadnaha, nooga dhaawacaye,

Nin dhegaystay Caliyow ma tumo, Dhaanto iyo heese,

Xaqiisii nin lala dheelmadoo, dhuuntay baw darane,

Dhibaatada ka diidaa ma helo, dhaxal adowgiise,

Denbi-dhaaf shahiid lagu dhintuu, kuugu dhow yahaye,”

Maansada Dhoobada Hawaas ee Timacadde ee 1961kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Qormada: 11aad

21/12/2015

 

Aniga oo aad uga xun in aan sheekadan xadantada iyo xanuunkaba leh idiin soo gaabiyo, waxan hadalkaygan ku soo gunaanadayaa in aan akhristayaasha u sheego in muranka iyo khilaafka hadhi waayay ee SNM ragaadiyay uu xilliga bilaabmay kana dhashay is-mari-waagii Muxaafidka iyo Mucaaradka. Haddii aan intas u sii dhaaf is-idhaahdo, mowduuceennii udub-dhexaadka sheekadaeennan u ahaa ayaynu ka ambanaynaa. Raalli ha la ahaado, haddii Eebe idmo fursado kale ayaymu isu heli doonnaa.

 

Dhaqankii, dhalankii iyo dhiirranaantii Mujaahid Bashiir

 

Maxamed Ibraahin Xirsi Kaahin oo 1984kii markii uu SNM ku soo biiray qaatay magac-halgameedka ah Mujaahid Bashiir, wuxu ahaa ninkaas aanu idiin ka soo sheekaynay taariikh-nololeedkiisa oo kooban. Markii uu hawl-gallada ka bilaabay Saldhiggii SNM ee Dibiile ee uu sida tooska ugaga soo biiray halganka, wuxu isla markiiba noqday Taliye-xigeenka Sahanka Gudaha. Wuxu ka hoos shaqaynayay Mujaahid Raage-bidaar oo ahaa Taliyaha Sahanka Gudaha. Waxay ahaayeen koox dhan oo dhowr iyo soddon nin ku dhawaanaya. Xataa ciidankii Qabri-bayax duleedkiisa lagu tababari jiray iyaga ayaa madax u ahaa.

Mujaahid Bashiir iyo Raage-bidaarba marka ay la noqoto ama ay doonaan ayay Hargeysa soo geli jireen iyaga oo mar cadayleyaal ah, mar iyaga oo dawarsanaya maxaa yeelay waxay yaqaanneen xirfado badan oo ay adeegsadaan. Waxay awood iyo mowhibad la yaab leh u lahaayeen in ay masilaan ama jilaanba qofka ay rabaan. Sida ay noo sheegeen Mujaahidiintii xog-ogaalka ahayd, Mujaahid Bashiir qofka uu doono ayuu meteli karaayey. Waxa la ii sheegay in mararka uu wax metalayo ay aad isugu ekaayeen jilaagii weynaa ee hal-abuurka iyo maadeeyahaba ahaa ee Maxamed Cumar, Huuryo, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’.

Xilliyada qaarkood, wuxu magaalada soo geli jiray, isaga oo habar masilaya oo Huuryo iska dhigaya oo dheer oo siigo leh ayuu soo galaayey magaalada oo islaan caanolay ah oo meel taagan oo kale ah. Waxyaabaha kale ee uu aad uga faa’iidaystay waxa ka mid ahaa lahjadda Xamariga ah oo uu si fiican u yaqaannay oo mararka uu doono uu iska dhigi jiray nin reer koonfureed ah.

Mujaahid Bashiir, ma uu ahayn nin wakhtiga ama waxyaabo kale ay dhibayeen oo ay walbahaar iyo walaacba ku hayeen.

Muuse Biixi oo Mujaahid Bashiir ka sheekaynayay, wuxu yidhi:

“Wuxu ahaa nin askarinnimo u dhashay. Dhowr jeer ayaanu wada sheekaysannay oo waxaanu u tegi jirnay ninkan Cumar Sheekh la yidhaahdo walaalkiisii ka waynaa Sheekh Muuse Sheekh Cabdilaahi gurigiisa oo reer miyi ahaa oo Durya kaga beegan dhinaca koonfur bari deggenaa. Adhi ayuu noo qali jiray oo aan u tagi jirnay oo marka uu soo noqdaba sidii baanasho oo kale uu odhan jiray waar ina keena bal maanta abtiyaashay ayaan u tageyaaye. Saacado badan ayaanu halkaas ku wada qaadan jirnay. Ninkaasi waxa ay dadku ka sheekeeyaan kama uu sheekayn jirin. Maanta oo dhan nolol kama uu sheekayn jirin, mustaqbal iyo raaxo midnaba kama uu sheekayn jirin. Ninkaasi afar iyo labaatanka saacadoodba wuxu kaaga sheekaynayaa waa hawl-gal oo sidaas iyo taa ha la sameeyo ah, wuxu ahaa shaqo ahaan nin yaqaanna farsamada laydhka, waana tan waayirrada la jiido. Markaa ma uu qori jirin far isku xidhiidhsan marka uu wax kuu sharxaayo ama uu ku leeyahay qorshe ayaan sameeyay. Mararka uu wax kuu sheegayo sida waayirrada oo kale ayuu fallaadho dhinac walba isku dhaafsan uu kuugu tilmaamayay.”

Inta badan Mujaahid Bashiir, Taliye Muuse Biixi uma uu keeni jirin warbixin. Bal se wuxu had iyo jeer ka dhaadhicin jiray fikrad oo inta badan isaga ayaa Taliska ku habi jiray fikradaha. Muuse Biixi hadba fikradda uu Bashiir u keeno wuxu u gudbin jiray oo uu la wadaagi jiray Shahiid Aadan Sheekh Maxamed, Aadan-shiine iyo Guddoomiyaha SNM oo ahaa Axmed Siilaanyo, isaga oo ka cararayay in uu hal-gallada qaarkood ku eedoobo.

Mujaahid Bashiir dabeecaddiisu waxay ahayd mar kasta oo aad wax weydiiso, wuxu kuu sheegayaa qorshe dagaal, mar kasta wuxu kuu sheegayaa yoolka weyn ee la hiigsanayo. Wuxu aad uga soo hor jeeday una dhibsan jiray dagaalladan fool-ka-foolka ah (conventional) oo uu odhan jiray dad badan ayaa inagaga dhimanaya.

Dooddiisu waxay u badnayd haddii aynaan cadowga gudaha ku cabsi-gelin, xuduudda iyo dibadda iskaga celin kari meynno. Wuxu ku doodi jiray cadowgu dibadda waa in uu ku baqaa, gudahana ku argaggaxaa.

Muuse Biixi oo hadalka sii wataa, wuxu intii hore ku kabay:

“….ninkaas wuxu ahaa nin u dhashay millaterinnimada ee weliba ah kooxahan war- doonka ee had iyo goor ciidammada ka horreeya ee meelaha adag loo diro oo sida kuwa ‘Gamma iyo Alpha’. Haddii uu tabobar heli lahaa noocaas wareerka ah ayuu noqon lahaa waayo maskaxdiisa ayaa taas u samaysnayd. Ninkaasi, weligii immika waa uu shahiiday oo ma ammaanayee, xaalad kasta oo timaadda ninkaas oo baahi ii sheegta ma aan arag. Xataa waan lugaynayaa oo kabo ayaan u baahanahay i muu odhan. In aad u timaaddo oo aad tidhaahdo surwaalkaas beddel oo kabaha noocaas ah ayaa loo baahan yahay uun moyaan e’, isaga oo hawl-gelaaya dacas iyo kabaha kabo u adag muu kala jeclayn. Ilaahay ha u naxariisto e’, waxaan ka xumahay oo aan doonayaa in aan sheego Cismaan Xasan Xirsi oo Ina-adeerkii ahaa waa la dilay oo isaga dartii ayaa loo dilay oo afar mar la wada dilay ayey ahaayeen isaga iyo Ina-oogle iyo. Yuusuf Ibraahin Xirsi oo walaalkii ahaa in badan ayaan dagaalka ka reebay is-na dagaalkii ugu danbeeyey ee Hargeysa lagu galay ayaa uu ku shahiiday, tiraba afar shan jeer ayaan ka soo reebi jiray dagaalka, waayo odeygii tabcaan ayaa uu ahaa aabahood, ninkii u shaqaynaayey waa uu dhintay, ka hadhayna waa curyaan, waa laangadhe oo hore ayaan u ogaa reerka oo saddex walaalo ah ayaa ka dhintay Cismaan,Yuusuf iyo Bashiir oo Cismaan oo hortii dhintay oo dagaalkii Axmed Aadan loo dilay, Yuusuf oo 89kii Hargeysa ku shahiiday oo dee odeygii iyo islaantii oo iska goblan ah oo Abaadir u hadhay, ayaan aad uga xumahay. “

Dadka kale ee ka sheekeeyay dhaqammadii iyo dhiirranaantii la yaabka lahayd ee Mujaahid Bashiir waxa kale oo ka mid ahaa walaalkii oo loo yaqaanno saddex magac oo kala ah: Cabdiqani, Cabdikariim iyo Abaadirba. Waa nin lug ka ah naafo oo bakoorad raas-bi-raas ah cuskada. Waa xaas, waxaanu deggen yahay Gebilay.

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)