DOORKA QURBA JOOGGA SOMALILAND: SIYAASADA, DHAQAALAHA IYO MUSUQ MAASUQA: Q3AAD

0
467

DOORKA QURBA JOOGGA SOMALILAND: SIYAASADA, DHAQAALAHA IYO MUSUQ MAASUQA: Q3AAD

Wixii ka horeeyay 1969kii afgambigii lagu mijo xaabiyay dawladdii dimuquraadigga ahayd ee soomaaliya, qurbajoogga reer Somaliland waxay ahaayeen badmareeno iyo ganacsato iskaga gooshi jirtay waddamadda carabta iyo reer gableedka. Maxamed-BayoXukunkii militariga ahaa ee somaaliya wuxuu sababay cabudhin iyo saluug siyaasadeed oo ay ka muujiyeen reer soomaliland, kaas oo sababay inay waddanka isagga baxaan aqoonyahan baddan iyo siyaasiyiin baddan oo naftooda u cabsaday, dagaaladdii iyo colladihii u dhaxeeyay Ethiopia iyo Soomaaliya ee hillaadihii 1977kii ilaa dagaaladdii 1980kii ilaa 1991kii ayaa wuxuu sababay inay daaduumaan, qaxaan magansadaana waddamo shisheeye, tiraddii qaxootiga ahayd ee ugu badnayd abid.

5.1. Doorka dhaqaale iyo horumarineed ee qurbajoogga

Qurba joogga soomaaliland wuxuu door muhiima ugu jira dhaqaalaha iyo horumarka waddanka, waxay taakulo dhaqaale iyo mid nololeedba la garab taagnaayeen walaalahoodda ka soo kabanaya burburkii iyo colladihii, door muhiima ayay ku lahaayeen yagleelka dawladnimo ee Somaliland, si hagar la’aana ayay u soo garab qabteen bulshadda ay asal ahaan ka soo jeedaan, 2012kii hoosu dhaca dhaqaale ee somaliiland wuxuu ahaa $496million, waxa kabay oo maalgaliyay hoosu dhacaas qurbojoogga iyo deeqaha caalamiga ah. Qurubo jooggu waxay qayb wayn ku leeyihiin shaqo abuurka iyo abuuridda ganacsiyo kala duwan, waana lafdharta Somaliland. Somaliland waa wadamada ugu hooseeya maaligalinta waana waddan ka mida waddamada ugu saboolsan, uguna faqiirsan aduunka. Somaliland shaqo la’aan baahsan oo ka jirta iyo duruufo dhaqan dhaqaale oo adag, ayaa waxa waxbaddan ka tara taakuladda qurbojooggu soo diraan (World bank: 2014)

5.2. Doorka qurbajoogga ee siyaasadda, musuq maasuq & Qabyaaladda

5.2.1: Qurba Joogga Iyo Siyaasadda

Qurbajoogga soomaliland saamayn wayn ayay ku lahaayeen siyaasadda arimaha dibadda, muddooyinkii hore, waxay xambaarteen masuuliyadd wayn oo arrimo dibaddeed iyagoo goob walba iyo fagaara walba ka iibgayn jiray qaddiyada Somaliland, waxay samaysteen ururo iibgeeya magaca iyo jiritaanka qaranimadda Somaliland,

Qurbajooggu waxay door muuqda ku lahaayeen, halgankii, waxay taakulo dhaqaale iyo mid niyaddeedba la barbartaagnaayeen ciidamaddii iyo shacabkii halganka ku jiray,.. waxay daddaalo baddan ku bixiyeen, hanaqaadka niddaamka dimuqraadiyaddeed ee Somaliland, iyagoo taageero dhaqaale siiya xisbiyadda kala duwan ee qaranka. Waxay horseed u ahaayeen, isbadaladda siyaasadeed ee jamhuriyada Somaliland ka dhaca, waxay abaabullaan xafaladdo waawayn, sidda maalinta qaranimadda Somaliland ee 18ka May oo ay ku muujiyaan dareenkoodda waddaniyaddeed, iyo inay gudbiyaan fariimo toggan oo ku saabsan qarankeenan Somaliland lana wadaagaan waddamada ay ku nool yihiin.

5.2.2: Masuuliyiinta Qurba Joogga Iyo Caqabadaha la soo darsa

Inta baddan masuuliyiinta la magaacaabaa, maaha qaar hoos xogogaal ugu ah, duruufaha waxbarasho, caafimaad, dhaqaale ama guud ahaan nololeed, ee ay ku sugan yihiin bulshadda ay xukumayaan, marka laga reebo, dul ka badawsigaa xaaladaha guud, masuuliyiinta qurba joogga ah looma soo xullo aqoon ama xirfad ay u leeyihiin mansabyada loo magacabayo oo laga waayay waddanka, Waddanka waxa buux dhaafiyay aqoonyahan jaamacadaha dalka gudahiisa iyo dibadiisa ka soo qalin jabiyay, xirad iyo aqoon buuxdana u leh shaqooyinka, sidoo kalena xogogaal u ah, kagana haboonaa shaqooyinkan. Masuuliyiintani caruurahoodda iyo reerahoogii waxay kaga yimaadeen qurbaha, waad aragtaa inay yihiin dad soo shaqo tagay, oo ku soo dayacay masuuliyadii reerahoodda si ay ugu soo shaqeeyaan ama ugu soo xoogsadaan Somaliland, Haddaba su’aasha ugu wayni waxay tahay, Somaliland malagu bixiyaa mushahar fiican oo qurbaha looga soo yaaco? Ma tahay in iyadoo aqoonyahankii iyo khabiiraddii waddanku buuxaan in dibaddaha loogga yeedho, qurba joog? Ma yihiin masuuliyiinta qurba jooga ahi kuwa leh xirafado aan waddanka oolin? Halkee lagu dayacay aqoonyahanka codeeyayaasha ah? Dhaqaalaha faraha baddan ee qurbaha loo diro halkee laga keenaa?

Waa waydiimo, ka dhex guuxaya maanka aqoonyahanka iyo guud ahaan bulshada Somaliland, Inta baddan masuuliyiintani, oo ku jira xisbiyada mucaaridka iyo xukuumaduba, waa kuwa aan la duruuf ahayn shacabka, waxay higil iyo muramo siyaasadeed ka abuuraan waddanka, maaha cidda ay wax kaga lumayso, maaha masuuliyiin ubad/caruur iskuulo u tagaan oo fahmi kara baahida waxbarasho ee taala dalka, Maaha kuwo ubadkooda lagu daaweeyo cisbitaalada dalka oo og baahida caafimaad ee shacabku qabo halka masuuliyiintan laftarkoodu ay u dawo doontaan qurbaha, maaha qaar fahmi kara ama ogaan kara, baahida ay dhalinyaradu u qabto goobo lagu ciyaaro iyo cadaadisyada nololeed ee guud ahaan ragaadiyay waddanka

5.3: Mushaarooyinka Iyo Habka loo sargooyay

Inta baddan Masuuliyiinta xukuumadda ku jira ee qurba joogga ahi, waxa soo wajahda caqabbaddo dhaqaale, oo ay sabab u tahay, xaddiga mushaaraadka mansabyadda ay hayaan oo aad u hooseeya, sababtuna ay tahay dhaqaalaha yar ee waddanka oo aan awoodin inuu bixiyo mushaaraad baddan.

Bal u fiirso, Masuuliyiintani waxay ku jiraan inta baddan guryo kiro ah, kharashaadka guriga, casuumadaha, qaadadka iyo lacagaha shaxaadka loo bixiyo ee tiro beelka ah, waxa ka sii daran, lacagaha loo xawilo qurbaha iyo guryaha tartanka loogu jiro ka iibsigoodda waddamada dibadda, ganacsiyada kala duwan ee laga abuurayo waddamada shisheeye iyo saamiyadda laga iibsanayo shirkadaha waa lacag wadarayntoodu ay xisaab beel tahay
JAANTUS 1: – Mushaaraadka Masuuliyiinta xilalka haya

S/N MANSAB MUSHAAR Udhiganta GUNO U dhiganta
1 Wasiir 8,100,000 SLSH 1,052 USD 6000,000 SLSH 7,80 USD
2 Wasiir Ku xigeen 8,100,000 SLSH 1,052 USD 6000,000 SLSH 7,80 USD
3 Agaasime Guud 8,47,000 SLSH 1,10 USD 6000,000 SLSH 7,80 USD
Isbarbardhiga lacagaha u qoondaysan mushaaraadkooda, iyo kharashaadka faraha baddan ee ay galayaan masuuliyiintani, waxay markhaati cad u tahay, xadiga boobka hantida dadwaynaha, waad arkaysaa heerka musuq maasuqu gaadhay oo ah halkii ugu saraysay…………LASOCO…..

W.Q. Maxamed Cabdikarim
mmaarshaal@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here