Dowlada Uganda oo Wali Dhaqaalo Doon ah & Ciidamo Dheeraad Ah oo Soo Gaaray Muq…

0
703

waaxa qoreya yaasir br

Dawlada Uganda ayaa ku dhawaaqday inay Soomaaliya u soo dirtay in ka badan 2 kun oo askari oo dheeraad ah kuwaasoo dawlada Soomaaliya ka caawin doonaa dagaalka ay kula jirto Al-Shabab iyo sugida amaanka.
Warbaahinta dalka Uganda ayaa baahiyay in dawlada Uganda ay Soomaaliya usoo daabulayso 2,275 askari oo dheeraad ah oo kuwaasoo la shaqayn doona hawlgalka midawga Africa waxaana ay ciidamadaasi shaqadooda ugu badan noqonaysaa xoojinta dagaalka ka dhanka Xarakadda Al-Shabab.
Taliyaha ciidamada Uganda Gen. Karumba Wamala oo ka hadlay munaasabad loo qabtay ciidamada Soomaliya loo soo diray ayaa sheegay inay dadaaalka ugu badan galin doonaan in Soomaaliya ay ka dhigaan meel amaan ah ka hor inta uusan dhamaan waqtiga ay ciidamada AMISOM Soomaaliya joogayaan.
Gen. Karumba Wamala waxaa uu sheegay in dawladiisu aysan wax culays ah u arag mushaarka ciidamadooda ee kasoo daaha waxaana uu sheegay in ujeedka ay Soomaaliya u joogaan ay tahay inay caawiyaan dadka iyo dawlada Soomaaliya sida uu yiri.
“Ciidamadeena ma aha calooshood u shaqaysatayaal laakiin waa ciidan qaran oo caawinaya dawlada iyo dadka Soomaaliyeed lacag darteedna Soomaaliya uma joogaan” ayuu yiri Gen. Karumba Wamala mar uu la hadlayay Tv,ga NTV ee Uganda ku yaala.
Ciidamada Uganda oo ah kuwa ugu badan ee Soomaaliya jooga waxay qeyb ka yihiin hawlgalka Midawga Africa ee AMISOM