Dowladda Itoobiya Oo Gacanta Ku Dhigtay Gantaalo Lagu Qariyay Magaalada Mekelle Ismaamulka Tigreyga

0
273

Saraakiisha ciidanka difaaca Qaranka dowladda Itoobiya ayaa sheegay inay helleen ama gacanta ku dhigeen gantaalo lagu qariyay qeybo ka mid ah magaalada Mekelle ee gobolka Ismaamulka Tigreyga.

Gantaalahan oo gaadhaya ilaa 13 ayeey saraakiishu sheegeen inay ahaayeen kuwa ridada dheer oo ay TPLF mar u adeegsatay gobollada Bahar Dar iyo gobolka Amxaaradda intii uu socday dagaalkii Waqooyiga Itoobiya.

”Waxaa sidoo kale aragnay saduuqyo laga isticmaalay gantaalo ilaa 7 xabo ah kuwaa oo loo maleynayo in ay u adeegsadeen dagaalladii dhawaantan ka dhacay gobolka” ayeey sheegeen saraakiishu.

Ciidammada Qaranka Itoobiya ayaa toddobaadyo ka hor la wareegay gacan ku heynta gobolka oo muddo dheer ay ka ariminayeen xoogagga TPLF ee ismaamulka Tigreyga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here