Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo Doorashadii Murrashaxiinta KULMIYE ku Tilmaamay guul Siyaasi ah oo uu Gaadhay

0
529

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo Doorashadii Murrashaxiinta KULMIYE ku Tilmaamay guul Siyaasi ah oo uu Gaadhay

Hargeysa(Warsugannews):- Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Somailand Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa ku tilmaamay guul siyaasi ah oo uu gaadhay natiijada doorashadii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ku soo saareen murrashaxiinta madaxweyne ee Muuse Biixi iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici.

Dr. Maxamed Cabdillaahi oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa maanta ka hor intii aannu u dhoofin dalka Kenya oo fadhigiisa shaqo yahay, waxa uu soo dhaweeyey qaabkii u dhacay shirkii KULMIYE oo sheegay inuu ka soo baxay fikir siyaasi ah oo uu aaminsanaa, waxaannu yidhi, “Aniga waxay ii ahayd guul siyaasi ah oo shakhsiyan ah, waxa soo baxay afkaarihii aan qabay ee aan u arkayey in hoggaanka dalkani ku socdo oo beryaha qaar aan keli ku ahaan ayaan taageero ballaadhan uga helay guud ahaan dalka Somaliland oo dhan bari ilaa galbeed, taas oo shacabka, xisbiga KULMIYE iyo masuuliyiin kaleba soo dhaweeyeen oo ilaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu arkayey fikir siyaaseed oo xilligiisii ku habboonaa yimi.”

Waxa kaloo uu shaaciyey in beesha caalamku soo dhawaysay doorashada murrashaxa madaxweynaha xisbiga KULMIYE ee Muuse Biixi Cabdi, “Doorashada Muuse Biixi Cabdi inuu noqdo murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE waxay taageero ka heshay dalal fara badan oo caalamka ka tirsan intii doorashadu dhacday kadib ilaa iminka waxa Guddoomiyaha iyo kooxda la shaqaynaysaba soo gaadhayey dhambaalo meelo kala duwan oo caalamka ah ka yimi oo lagu soo dhawaynayo doorashada, arrintaasina waxay muujinaysaa taageerada dibadeed ee murrashaxnimada Muuse Biixi ay la kulantay, iyadoo loo arkayo hoggaamiye baahida taal dalka Somaliland maanta hadday tahay ka shaqaynta arrimaha gudaha ah iyo sidii shacabka la isugu keeni lahaa iyo hadday tahay sida arrimaha Somaliland kala xidhiidha caalamka loo maamuli lahaa, Guddoomiyaha iyo xisbigu wuxuu leeyahay khubaro iyo ruug-caddaa siyaasadeed oo waayo-arag u ah arrimaha gudaha iyo kuwa caalamiga ahba.”

Ugu dambayntii, waxa uu naqdiyey doodaha diidmada ka muujiya madaxweynenimada Muuse Biixi ee dalka Somaliland, waxaannu iftiimiyey xidhiidhka hoggaamineed ee ka dhexeeya Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi.

“Hoggaanka xisbiga KULMIYE ee Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin, waa run oo laba nin oo siyaasaddoodii hore tahay ciidan, laakiin su’aashu waxay tahay nooca hoggaamineed ee dalkani u baahan yahay, Madaxweynaha waqtigan xilka haya Axmed Siilaanyo khibraddiisa siyaasadeed ee uu ku hoggaaminayo Qarankan maaha mid uu ku soo bartay dawladdii Soomaaliya ee uu wasiirka ka ahaa, balse khibradda ugu badan ee uu ku maamulo dalku waa tii uu ka bartay halgankii Somaliland ee SNM ee uu ku hoggaaminayey garabyada millatariga iyo siyaasadda, waa tii uu helay dhawr iyo labaatankii sanno ee uu iminka Somaliland joogay hadday Baarlaman tahay iyo hadday tahay muddadii uu xisbiga KULMIYE hoggaaminayey iyo shantii sanno ee uu xukunka Somaliland hayey.

Markaa Muuse Biixi iyo Maxaxmed Kaahin waxay ka soo baxeen dugsigaasi uu Axmed Siilaanyo ku soo aflaxay ee uu siyaasadda iyo hoggaamintaba ku bartay, iyaguna intaaba way la wadaagaan halgankii, in ka badan labaatan sanno oo ay ka shaqaynayeen siyaasadda gudaha iyo ta KULMIYE oo shan sanno iyo dheeraad uu Muuse Biixi guddoomiye ka ahaa, guddoomiye-ku-xigeenna ahaa Maxamed Kaahin. Sidaasi darteed, aragtida odhaysa hoggaankaasi kuma habboona dalka anigu waxaan qabaa in aanay ku dhisnayn aragti cilmi ah, Somaliland waxay u baahan tahay hoggaamiye adag oo dadkeeda iyo arrimaheeda gudaha mideeya, amnigeedana xoojiya,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here