Dr Xaglo-Toosiye: Cali Khaliif Waa fulay, waana Dembiile gacan ku dhiigle ah)

0
504

Dr Xaglo-Toosiye: Cali Khaliif Waa fulay, waana Dembiile gacan ku dhiigle ah)

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee JSL Dr Saleebaan Ciise axmed oo ku sugan Magaalada Buuhoodle ayaa waxa uu ka hadlay baaqa colaadeed ee Nabad diidka Cali Khaliif Galaydh weli ka wado deegaanka Buuhoodle, isagoo sidoo kalena wasiirku talooyin u jeediyey dadweynaha deegaankaasi

DrXaglo-Toosiye oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Buuhoodle waxa uu ugu horayn caddeeyey sida ay Dawlada Somaliland ahmiyadda u siinayso deganaanshaha iyo xasiloonida Gobolka buuhoodle, waxana isagoo arintaa ka hadlaya uu yidhi sidan: ‘Somaliland waxa ka go’an inay Buuhoodle iyo nawaaxigeedu nabad ku seexdaan oo ku soo toosaan, horumarkoodana lagala shaqeeyo, arintaa horena dadaal baa looga sameeyey iminkana waa ku shaqaynaynaynaa, waana muhiim in wadajirka iyo kalsoonida dadka deegaanka wada dega la sii xoojiyo horumarkoodana laga shaqeeyo, taasina waa ta Madaxweynuhu amarka ku bixiyey anaguna aanu halkan (Buhodle) u joogno’

Wasiirka caafimaadku waxa kale oo uu ka hadlay nabad diidka Cali khaliif iyo sida uu maalinba ta xigta ugu baaqayo colaada, waxana uu yidhi sidan: ‘ Cali khaliif waxa aan u arkaa nin dembiile ah oo maato-doox sameeyey, mar walbana ku baaqaya in uu maato doox samaynayo oo caddaymihii loo hayo, waxaana caddaymo ugu filan in uu laayey dad xoolo dhaqato ah oo masaakiin ah oo aan hubaysnayn, waa nin dembiile ah oo gacan ku dhiigle ah, maxkamad caalami ah iyo mid Somaliland labadaba waa la tiigsanaynaa arimahaana lagaga hadhi maayo’

Wasiirka Caafimaadka Md Xaglo-toosiye waxa uu ku tilmaamay Cali Khaliif nin weli u heellan colaad iyo maato-doox kale waxana wasiirka oo arintaa sharaxaya hadaladiisii ka mid ahaa: ‘Waxaad ogtihiin in Cali Khaliif mar kale ku baaqay colaad, waana la wada ogyahay ninkaa in uu Cigaal Shiidaad yahay oo aan cid ka fulaysani jirin, ta colaada ah ee uu u yeedhanayaa hadii ay dhacdana waa la garanayaa fadalo caddaantiisa, markaa waa la yaab waxa uu ugu yeedhanayo, laakiin waxa uu doonayaa waa in dagaal halkan ka dhaco oo dadka iyo deegaanka Buuhoodle ku baaba’aan isaguna sidiisii uu gaadhi ku baxsado, waxaan leeyahay Caliyoow dagaal waxba ka tari mayside dadka dhibka ka daa’ oo aqoon baad leedahadaye dadka u faa’iidee oo horumarkooda ka shaqee’.

Wasiirka caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa kale oo uu hadalkiisa qayb ka mid ah talooyin ugu jeediyey dadweynaha Reer Buuhoodle waxana uu yidhi: ‘Reer Buuhoodle waxa aan leeyahay nabaddu waa qaali colaadna waa tii aynu soo marnay, markaa nabadgelyadiina ilaashada oo weliba nin aan colaadda waxba idiinka tarayn yaanu idiinku baaqin, (nin aan kuu furi doonin yaanu kuu rarin), ka digtoonaada Cali khaliif iyo shaqsiyaadka la midka ah ee doonaya inay noloshiina dhaawacaan’.

Qaybta dambe ee hadalkiisa ayaa Md Xaglo Toosiye waxa uu ku caddeeyey mowqifka Dawlada Somaliland ee ku saabsan nabadgelyada deegaankaasi waxana uu sheegay in ay samaynayaan xal kasta oo nabadeed, laakiin hadii ay ka fursan weydo ay difaaci doonaan nabadda iyo shacabkooda.