Ducaddii Aan ka Guntay Ayeyday Faadumo. W/Q. Khadar Gureyte

0
511

Ducaddii Aan ka Guntay Ayeyday Faadumo. W/Q. Khadar Gureyte

Hordhac:

Sida aynu ka warqabno Soomaalidu muddo dheer oo taariikhdeeda ah marka laga sheekaynaayo waxa ay ku aroortaa in ay ahayd dad xoolo dhaqato ah oo u badan reer guuraanimo, isla mar ahaantaana aanay waayaddii hore aqoon badan u lahayn dhinaca diinta maadaama oo aanay waxba ka aqoon afka Carabiga, barashada diintuna ay kuba yarayd, balse iyada oo ay taasi jirto hadana waxa ay si caadi ah u gudan jireen waajibaadkooda Alle intii Eebe ka garadsiiyo.

Inta badanna xilliyada ay ducaysanayaan waxa duco iyo Alle bariba ay Weynaha wax kaga dalbi-jireen oo ay ku baryi-jireen afka Soomaaliga maadaama oo aanay aqoon badan u lahayn in afka Carabiga ay Roonaha wax ku weydiistaan, se hadana marka aad u fiirsato ducooyinka laga soo tebiyo dadkii hore ee Soomaalida, waxa ay ahaayeen kuwo aad qaarkood odhan karto waxa laga soo dooriyey ducooyinkii ka sugnaaday Xabiibkeennii Muxamed(SCW) ee uu mar walba ku hoos hoorsan jiray Naxariistaha Naxariista badan(Isaga ayaa xumo ka saafi ah oo kor ahaayo).

Hadaba sida aan ka guntay ayeyday Faadumo Jaamac Bursuug oo ah ayeyday Hooyo ahna islaan eyni ah oo hada da’deedu tahay 78 jir, ayaa waxa aan mar walba arkaa iyada oo ku ducaysanaysa ducadan Soomaaliga ah oo run ahaantii aniga aad ii soo jiidatay, mar kasta oo ay ku ducaysanaysana aan aamiin ka dabo idhaahdo, sababta oo ah waa duco af Soomaali ah oo ka dareen iyo fahmidda macnahaba ka dhow afka Carabida, isla mar ahaantaana waxaaba hadda caado iyo dhaqan ii noqotay in aan adeegsado ducadan af Soomaaliga ah aniga oo gacmaha hoos hoorsanaya Eebaha Naxariista badan ee cid walba U Naxariista.
Ducaddii Ayeyday.
Bis-millaahi Raxmaani Raxiim
Allaahumma Salli-callaa Muxamed
Ash-haddu Allaa Illaaha Illallaah,
wa ash-haddu anna-Muxamedun Rasuulu-Laahi
Salla-Laahu caleyhi wa-sallam
Bellaayooy beydh oo naga beydh
Teeda dheer iyo teeda dhowba Illaahow naga du’
Illaaha waaxidka ahow, Illaaha quwada lahow
Illaaha weyn ee aan Illaah kale jirinoow
Illaaha kali ah ee kaafiyey aduunkoow
Illaahow waxa aanu kaa baryeynaa
In toddobada naarood hirkooda, hummaagood, qadhaadhkooda iyo qudmuunkooda
Midna in Aanad na tusin
Juuc iyo Jahannamo Illaahow naga aragti dheeree
Jidka Siraad Illaahow siyaaro qafiif noo dhaafi
Illaahow maalinta la qatan yahay ee la qaawan yahay ee buuqa weyn Illaahow noo bushaaree
Illaahow maalinta la is xisaabayo noo xil-qari
Illaahow maalinta bacadka kulul biyo qabow na sii
Illaahayow inta kayr keyrta ee kurbata e’ kalaanka Alle seegta ee aan kubka weyso loo marin ee kufrida ee shaydaanka halleeyo ee naarta loo dereeriyo Illaahow intaa ha na raacin
Illaahayoow intaa ha na raacin, Illaahayoow naga reeb, Illaahayoow naga reeb
Illaahayoow inta albaabada Jannada loo ballaqo ee lagu xareeyo ee jannada Fardowsa iyo Rooda ka qeyb-gasha ee liibaanta hesha Illaahayoow nagu dar
Illaahayoow nagu dar, Illaahayoow nagu dar dhammaan Muslimka oo idil intii dhimatey iyo inta noolba.
Meytaatkii intii innagu xurmo, xaq iyo xusuusba lahayd ee nasab keenay, nikaax keenay e’ Xaawa iyo Aadam ugu horreeyeen ee Nebi Muxamed u horreeye e’ Aabaheen iyo Hooyadeen, ehelkeen iyo weli buur ku aasan iyo weli bannaan yaal naxariistiisii janno Illaahay ha siiyo, Illaahay naarta ha ka nabad-geliyo Meytaatkii(Waalidiintii).
Illaahayoow u ducaynayee u hanuuni, aradka ayaanu uga ducaynee, samada uga aqbal, qudh-qudho caano ah Illaahayoow uga yeel, qabaallo subagga Illaahayoow uga yeel, qaalmo igadha oo aan gaagaxin, oon gamashiyin, harraati, habeed, car car iyo candho barar midna aan lahayn oo sida malabka u da’a Illaahayoow uga dhig, Illaahayoow uga dhig,
Maalintaan maqaamkooda ku tukaney ee aakhiro nooga horeysay, ifkana nooga dambeysay Illaahayoow annagana nooga dabo naxariiso.

Illaahayoow yaanan kayr, keyrin, kurban oo aanan kalaanka Eebe seegin, Illaahow sowdka san na waafaji, sallaada waxa aanu garan weyno noo garo, wixii kalena Illaahow noo toosi oo tiiri, Illaahow noo tiiri, Illaahow noo tiiri, Illaahow noo tiiri.

Illaahow Muslimka isu sakhir, Illaahow dekadda wax kheyr leh nooga soo deji, dawladdana dawlad kheyr roon noogga dhig, innamo khayr qaba oo diinta saami ku leh oo qolo-qolada Alle ka saaro oo aan kala rudhin oo aan la kala roorin oon is qolo-qoleyn Illaahayoow noogu dhiib.

Faataxa, xadratul Nebi, xabiibi Muxamed, barrax yaa Ibleys, turux yaa Malaa’ika , Illaahow naga aqbal oo naga ajiib, aradka ayaanu ka duceynayee Illaahow samada nooga aqbal, aamiintayada iyo aamiinta Malaa’igta Illaahayoow is waafaji. Amiin amiin yaa Rabbi, yaa Rabbi.
Khadar Cabdi Xasan(Gureyte)
khadargurayte@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here