FA-ga oo DHICIB ka xayuubinaya Chelsea….Maxaa keneye ?

0
545

Gacan ka hadalkii dhexmaray toddobaadkii tagay kooxaha Chelsea iyo Manchester City ayaa sababi kara in dhibic laga jaro dhinaca Antonio Conte, sidaas waxaa lagu qoray Sunday Mirror.

Sergio Aguero iyo  Fernandinho waxaa loo taagay kaarka cas kaddib markii uu Argentinian-ka shaafto daran la kacay David Luiz gaba gabadii dheesha taas oo dhalisay xiisad la’isku fara saaray.

Labada dhinacba waxaa ganaax dul dhigay xiriirka FA-ga wallow ay City ahayd kuwa xiddigaha laga saaray, Chelsea-se wey saameyn doontaa.

Blues afar jeer ayaa la ganaaxay kaddib markii ay hareer martay qaanuunka FA-ga 19kii bilood ee ugu dambeeyey.

Waxaa laga xusi karaa kulankii ay Tottenham Hotspur kula dheeleen kal hore ee loogu magaca daray ‘Dagaalkii Bridge-ka’, kulan ay ku raja dileen Spurs.

Chelsea si weyn ayaa loogu ciqaabay dhacdadaas waxaana loogu hanjabay qalad kale oo ay galaan in dhibic looga xayuubin doono.

Hadii ay talaabadaas qaadaan FA-ga waxa ay noqoneysaa markii ugu horreeysay oo koox heerka kowaad ah dhibic laga jaro mudd 26 sano ah, waxaana ugu dambeeyey Manchester United iyo Arsenal oo la wada ciqaabay kaddib markii ciyaaryahanadooda luqmaha isla galeen.