Faadumo Dayib oo si lama filaan ah uga hartay tartanka Doorashada

0
1000

Haweeneyda Musharaxa madaxweynaha Soomaaliya ee sanad ka hor shaaciyay inay xilka u tartameyso ayaa shaacisay inay ka baxday tartanka.
Haweeneydan Faadumo Dayib oo markii horeba musharaxnimadeeda ay ku taagneyd saxaafadda dibadda ayaa Wargeyska Washington Post u sheegay iyadoo Nairobi joogta inay si weyn uga naxday go’aankii dib loogu dhigay doorashada iyo heerka ay gaarsiisan tahay musuqmaasuqa Doorashada Soomaaliya.
Waxay sheegtay inaysan ka qeyb geli doonin doorashada, heerka musuqa uu gaaray ayay caddeysay inuu gaaray wax laga naxo iyaduna aysan dooneyn inay sharciyeyso doorasho ku timid musuq.
Faadumo Dayib oo hore u sheegatay inay tahay haweeneydii ugu horeysay ee xil madaxweyne u tartanta ayaa lagu qabsaday arrintan iyadoo sanadkii 2004 ay tartanka madaxweynaha Soomaaliya ee ka dhacay Kenya soo gashay Caasha Axmed Cabdalla.
Dad badan ayaa u arkayay musharaxnimda Faadumo Dayib inay tahay mid ku kooban warbaahinta iyo baraha bulshada, iyadoo aan wax tallaabo ay u qaadin inay noqoto musharax dhawaaxa

diyeriye yaasir br