Faallo : Muxuu Boobe Uga Door Biday Buuba Gudoomiye Cirro … !!!!

0
362

Faallo : Muxuu Boobe Uga Door Biday Buuba Gudoomiye Cirro … !!!!

Sooyaalkii Taarikheed ee Ay soo Wadaageen Cirro iyo Buuba :

Sida aynu ka wada dharagsannahay Gudoomiye Cirro iyo Xil Buuba waxay ka soo wada Tartamayn Xisbigii Ucid Doorashooyinka Golaha Wakiilada ee 2005 , iyadoo Midna uu ka soo baxay Gobolka Maroodijeex Midina uu ka soo Baxay Gobolka Saaxil , Waxaanay ka wada mid noqdeeen Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland .

Dadaallo Badan oo uu sameeyay Gudoomiyiha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe iyo Xulayfaysi uu la sameeyay Xisbigii Wakhtigaasi Mucaaradka ahaa ee Kulmiye waxaa hir galay Hindihisii ahaa in C/raxman Cirro laga Dhigo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada .

Muddo Ka Dib , Sannadku markuu ahaa 2010 Doorashooyinkii Madaxtooyada ee Somaliland ayaa qabsoomay waxanu Xisbiga Ucid Noqday Mid ku guul dareestay Doorashadaasi .

Waxaana intaasi ka dib uu Gudoomiye Cirro soo istaadhay Qorshe Mixnad ah oo uu ku rabay in uu ku inqilaabo Gudoomiyihii tacabka badan galiyay abaalka bandanna ku lahaa ee Faysal Cali Waraabe waxaana u hir gashay in uu qirin qiir galiyo Kursiga Gudoomiyaha Xisbiga isagoo aqlabiyadda Masuuliyiintii Ucid-na uu ku qanciyay Fikirkiisa isla markaana ay barbar socotay Dhaqaale xaddi badan oo uu adeegsanayay , waxana ugu danbeen la isla galay Maxkamad taas oo aakhirkii u xaqsoortay , xaqiisiina siisay Gudoomiye Faysal Cali Warabe .

Si kastaba ha ahaate Buuba waayahaaas oo idil ee aynu soo xusnay wuxuu daba socday isku fikirna ay ahaayeen Cirro isagoo ka baydhay kana soo hor jeestay Faysal Cali Waraabe oo Xildhibaannimadisii sabab u ahaa sidoo kalena ay ahaayeen Dad wada dhashay oo ilmaadeer ah .

Yagleelidii Xisbiga Waddani :

Buuba iyo Cirro waxay wada aasaaseen Xisbigan Waddani ee uu hadda banaanka Buuba ka joogo cadho uu ka qaaday darteed , sidoo kale waxay soo wada qaateen wakhti adag oo uu Xil Buubaa hiil iyo Hooba la barbar taagnaa Gudoomiye Cirro , Haddi ay ahaan lahayd Loolankii iyo xaaladihii adkaa ee soo maray Golaha Wakiilada .

Xisbiga Waddani wuu koray oo maalinba xaalad ayuu taagna intaaba Buuba wuxuu ahaa dadka tiir dhaxaadka u ah xisbiga isla markaana had iyo jeer aan ka maqnaan jirin goobaha XIsbigu talada ku leeyahay iyo Madalaha Munaasibadaha .

Waxaana uu Buuba had iyo jeer uu difaac iyo gaashaan u ahaa Gudoomiye Cirro , Balse waxaa xaalku is baddalay Markii Boobe uu ka mid Noqday Masuuliyiinta Xisbiga Waddani iyadoo markiiba loo cumaamaday Xilka ah Xoghayaha Warfaafinta ka dibna uu Boobe Maroorsaday Hawihii iyo Shaqooyinkii uu lahaa Afhayeenka Xisbiga Waddani raalliga uu kaga noqday Cirro oo ah horjoogaha Waddani .

Boobe ayaa noqday Masuul ku hadla Afka Xisbiga Waddani waxaana halkaasi ka baxday in Buuba uu ka soo muuqdo warbaahitna maadaama uu hore u ahaa masuulkaa kaliye ee Xisbiga Afkiisa ku hadli jiray xaqna u lahaa in uu ku hadlo .

Gabogabo :

Ugu Danbeen is waydiintu waxay tahay Cirro ma la odhan karaa waa Abaal Laawe Laba Wajjiile ah , Jawaabtu waa Haa , Waayo Cirro haddu daacad u ahaa Buubaa oo uu dareensanyahay Kaalintii uu ugu jiray Muddada Dheer iyo Godobihii Siyaasiga ahaa ee uu u galay sidaa kamuu yeeleen manu takooreen , awoodihii uu xaqqa u lahaa Xil Ibraahim Buubaa cid kale kumuu casuumeen .

Waxaan ku soo Xidhay Hadalkaygii Cirro , Boobe ayuu ka Doorbiday Buubaagii La soo tabcay .

diiriye1991@gmail.com