FAALLO; WALAALAHA SIYAASADA KU KALA FOG. W/Q; CABDIRISAAQ MAXAMED BARKHAD

0
488

FAALLO; WALAALAHA SIYAASADA KU KALA FOG. W/Q; CABDIRISAAQ MAXAMED BARKHAD.
Badhasaabkii hore ee gobolka Florida oo ku yaalla dalka Maraykanka Jeb Bush oo dhowaan shaaciyey in uu yahay musharax ka socda xisbiga Jamhuuriga oo sannadka 2016 u tartamaya doorashada madaxtinimo ee wadanka Maraykanka ayaa durba billaabay ololihiisa ku wajahan dhinaca doorashada si uu u kasbado codka dadweynaha Maraykanka.

Ha yeeshee su’aasha inta badan hor taalla ee la weydiiyo ayaa ah waxa ay mabda’ ahaan ku kala
duwan yihiin walaalkii George W. Bush oo hore madaxweyne labo jeer uga soo noqday dalka Maraykanka. Jeb Bush mar welba waxa uu ku dooddaa in aragtida lagu hoggaamiyo siyaasada dalka Maraykanka ku kala duwan yihiin walaalkiisa ka weyn. Inkasta oo banraamij joogto ah aanay lahayn siyaasadu haddana waxa uu Jeb Bush difaaca naftiisa gaadhsiiyay heer uu yidhaahdo “Haddii aan sannadkii 2003 ahaan lahaa madaxweynaha dalka Maraykanka ma qaadeen duulaankii dalka Ciraaq.” Hadalkaas dadban waxa ay dad badan u fahmeen “George W. Bush waa walaalkay laakiin isu mabda’ siyaasaddeed ma nihin”.
Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar waa aqoonyahan fallanqeeya siyaasada Soomaalida, muddooyinkan u dambeeyay na waxa uu saaran yahay masraxa warbaahinta dabcan marka aad dhuuxdo hadalkiisa oo aad dhandhansato dareenkiisa dabaddeedna aad daristo himiladiisa fog waxa kuu soo baxaya in uu ku jiro han weyn oo siyaasadeed kaas ku jihaysan hoggaaminta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Soomaaliya waxa ay sannadihii u dambeeyay ka baxday ku-meel-gaadh waxaana mustaqbalka dhow la isu diyaarinayaa tartanka hannaanka axsaabta badan oo ay bud-dhig u noqon doonto doorashada qof iyo codkii. Sidaas darteed Prof. Cabdi Samatar waxa uu ka tirsan yahay xisbiga Hiil Qaran oo hunguraynaya doorashadaas lama se garan karo in sannadaha soo socda uu Prof. Cabdi noqon doono qofka ay u xushaan in uu uga qayb qaato tartanka madaxtinimada dalka Soomaaliya sidaas oo ay tahay haddana aqoonyahanka waxa hor taalla su’aal inta badan ay warfidiyeenada amma dadka badankoodu waydiiyaan. Taas oo ah ma laga yaabaa in sidii walaalkaa wax badan oo hoose kugu hilan yihiin?
Su’aashaas aad buu uga gilgishay oo waxa uu yidhi “Haddii sannadkii 2012 aan u tartami lahaa doorashada madaxtinimo ee dalkeena Soomaliya oo aan dabaddeed ku guuldaraysan lahaa marna lagama yaabo in aan ka bixi lahaa xayn-daabka Jamhuuriyada Soomaaliya”. Hadalkaas dadban waxa ay dad badan u fahmeen “Prof. Axmed waa walaalkay laakiin isu mabda’ siyaasaddeed ma nihin”.
Dhinaca kale Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo dhowaan u diga rogtay dhanka Somaliland marka uu si cad ugu soo banbaxo tartan madaxtinimo ee Somaliland waxa laga yaabbaa in uu wajihi doono loollan adag oo xawaaraha faraskiisa xadhigii xakamaha u noqon lahaa immiga la soohayo sobobta oo ah aqoonyahanadii ay masraxa dooddaha ku kala aragti duwannaayeen in ka badan labaatan sanno jiritaanka Somaliland ayuu maanta godkoodii ugu dhacay kuwaas oo durba saska iyo saansaanta dareenka ay ka qabaan diga-rogashadiisa ku tilmaamay in ay mudan tahay ka fiirsasho badan oo ku taxaluqda badka sida degdega isu keenay waxaana raggaas mindida daabkeeda u qabtay Dr. Bulxan oo dhowaan weerar qaawan ku qaaday Prof. Axmed Ismaaciil Samatar.
Guntii iyo gabogabadii waxa aan qoraalka ku soo afmeerayaa qalinkana kaga tagay go’aan walaalkaa qaato oo dad badan u arkaan in uu yahay mid khaldan ayaa mararka qaarkood caqabad ku noqda guusha hadafkaaga oo god madow ku rida waxa aad hiigsanayso mustaqbalka. Sidaas waxa aan uga jeedaa dadka Maraykanku waxa ay aaminsan yihiin in George W. Bush markii uu madaxweynaha ahaa uu cadaawad badan u abuuray dadka Maraykanka. Taas oo cabad maanta ku ah tartanka walaalkii Jeb Bush uu kula jiro siyaasiyiin kale oo tiradoodu lix iyo toban gaadhayso wallow ay dhici karto in uu soo baxo. Si kale haddaan u dhigo dadka koonfurta Soomaaliya degan waxa ay maanta aaminsan yihiin in Prof. Axmed Ismaaciil Samatar uu yahay qof ay markii horeba u qarsoonayd cadaawad uu u qabay Soomaaliya. Taas oo caqabad maanta ku noqon karta hamiga siyaasaddeed ee ku jira walaalkii Prof. Cabdi Samatar oo hunguri ka hayo siyaasada Soomaaliya wallow kalsoonidiisa dihin marka uu soo faago ay u keeni karto kasbashada taageerayaal fara badan oo Soomaaliyeed.

Cabdirisaaq Maxamed Barkhad
E-mail; rasiiqi07@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here