Faaqidaada Hashii Hirdanka KULMIYE Iyo WADDANI Galay Iyo Baadi Soocda Madaxweynaha Soo Socda Ee Dalkayga!

0
366

FAALADDA SHABAKADDA: Faaqidaada Hashii Hirdanka KULMIYE Iyo WADDANI Galay Iyo Baadi Soocda Madaxweynaha Soo Socda Ee Dalkayga!

Hargeysa(Warsugannews)labada xisbibaWaxaan badaha aqoonta ee Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ka qoray hal ku dhig uu xili sii horeeyay oo kal-hore ah Somaliland ku hoggo tusaaleeyay oo ahayd “If Somaliland is to Live, tribe would have to die, if the tribe have to live Somaliland has to die” oo macnaheedu yahay haddii Somaliland sii noolaanayso, qabiilkuna waa inuu dhintaa. haddii qabiilku sii noolaanayana, waa in Somaliland dhimataa.

Maalmahan waxa baraha face-book-ga ee barkulanka Bulshadda hadheeyay laba sawir oo laga kala qaaday laba wakhti oo isku dhow Guddoomiyeyaasha xisbiyadda WADDANI iyo KULMIYE, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Muuse Biixi Cabdi. labadan sawirba waxa sidaan filayo lagaga qaaday deegaamadda Gobolka Togdheer, oo labada Hoggaamiyeba ay socdaal maalmo kala dambeeyay ay ku tageen oo la xidhiidha wacyigelinta diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee ka socota degaamada gobolkaas.

labadan sawir waxa laga dhiibtay faaladii ugu badnayd, falan-qeyntii ugu xasarada badnayd, waxa darafyada doodeyaasha Face-book u badnaayeen taageereyaasha labada xisbi, inta dadka dhexdhexaadka ahi way yaraayeen intii aan akhriyay faalladooda (Comment).

Ma garanayo sababta labada Hoggaamiye xisbi uu midna u doortay inuu Maalo, ka kalena u go’aansaday inuu hasha diifaysan waraabiyo. waxase qofka labadan sawir arka ee ka madaxa banaan siyaasaddu uu is weydiin karaa, xiligan lagu jiro kee lexjeclo muujiyay ka waraabiyay iyo ka maalaya.? labadan siyaasi waxay u xusul duuban yihiin inay noqdaan “Madaxweynaha soo socda ee Somaliland”

Maxay ka siman yihiin:-

1-Waxay ka siman yihiin mid waliba xoghayntiisa, askarigiisa, dirawalkiisa iyo adeegihiisuba waa xaafadiisa.

2- Waxa kale oo ay wadaagaan mid waliba dadka ugu badan ee uu codka ka sugayaa ay yihiin beeshiisa.

3- Waxa labadan Murrashax mid waliba aaminsan yahay inuu yahay ka bulshaddu u jeelan tahay ee ku guulaysan doona doorashadda madaxtooyadda ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto 2017-ka.

4-Waxay labaduba (Cabdiraxmaan & Muuse) aaminsan yihiin in midba midka kale u arko qabiili.

5- Waxay mase yihiin (ka siman yihiin) in labaduba Taageereyaasha beelahooda ka soo jeedaa yihiin qaar xamaasadu ka muuqato iyadoo aanu tartankiiba soo dhawayn.

Maxay Ku Kala Duwan Yihiin?

Marka la eego taariikhda dhow ee afar iyo tobankii sannadood ee Somaliland ay ka jirtay dimuqraadiyaddu waxay soo kala muteen laba duruufood oo kala duwan. mid waliba jid dheer oo waayihiisa lahaa ayuu u soo maray inuu soo gaadho heerka “Murrashax madaxweyne”

1)-Mid waxa jaanis siiyay madaxweyne Axmed Siilaanyo oo uga tanaasulay, kuna gacan qabtay inuu mustawahan soo gaadho, midna inta uu xisbigii uu aasaasay markii hankiisii uga suurto-geli waayay ayuu binaystay urur siyaasadeed ku soo baxay doorashadii xanuunka badnayd ee Goleyaasha ee degaanka ee qabsoontay 2012-kii.

2)-labadan Murrashax madaxweyne, mid wuu soo kaacaa-kufay, midna hantaaqo kaliya ayuu soo mutay oo xisbigiisii uu aasaasaha ka ahaa ayuu tacabkiisii maalay oo buuq la’aan ayaa durbaanada loo garaacayaa.

Maxay tahay in Laga Qiimeeyo

codbixiyeyaasha Somaliland inta aanay duruufta beeluhu ku ajburaynin inay musharaxa raaskooda u coddeeyaan, dadka kale ee aan beelaha murrashaxiintan ku abtirsanaynin ee reer Somaliland maxay tahay inay ka eegaan si u go’aansadaan inay u coddeeyaan labadan murrashax ee Geella waraabintiisa iyo maalistiisa ku tartamayaa?

Madaxweynaha soo socda miyaynaan ka doonaynin inuu Somaliland dhaqaajiyo, haddii ay “Haa” tahay qoddobadan Miyaanad ka duusheen:-

1-Murrashaxee ayaa Somaliland dal ahaan iyo dad ahaan isku wadi kara?

2-Murrashaxee xaga dhibirsanaanta u hoggaansami kara inay bulshadu la xisaabtanto.

3)-Kee ayaa dalalka adduunka iyo nidaamka ay u shaqeeyaan garan kara oo qadiyadeenna iib-geyn kara?

4)-Murrashaxee ayaa hanaanka dimuqraadiyadda sii kaalin gelin kara?

5)-Murrashaxee ayaa dhaqaalaha wadanka wax ku soo kordhin kara?

6)-Kuma ayaa nolosha bulshadda halka ay taagan tahay wax ku soo biirin kara?

7)-Kee baa xanaf yar oo min Saylac illaa Laasqoray ay aragti togan ka haysataan ray’ul caamku?

8)-Kuma ayaa dunida yaqaana oo mafaatiixdii waaweyneyd ee

Prof.Axmed Ismaaciil Samatar sheegayay soo heli kara?

9)-Duco qabahee dawladan Magaaladda, reer Miyiga noloshooda wax ku biirin kara?

10)-Kumay Suurto-gal ka tahay inuu ammaanada shacbigu u dhiibtay,beri ka maalin

u soo celin kara, isagoo aan dhejin? kumaa’se haddii laga itaal roonaado danta guud xaaleyn kara?

Intaas oo su’aalood adigoo aan naftaada weydiin, sanduuqa codbixinta qiiro iyo caadifad ha ku dul tagin, ka dibna gacantaada ha ku cugan mid dalka iyo dadka midna waxba ku soo biirin karin.

Fiiro Gaar Ah: Murrashaxa madaxweyne ee xisbiga UCID Aqoon-yahan Jamaal Cali Xuseen Kama aan saarin xisaabta, hase yeeshee waxa aan qormadan igu dhaliyay sawirka aad loo faaleeyay ee Cirro Iyo Muuse.

Xigasho Shabakadda Gudgudenews.com/Hargeysa