Fariin Ku Socota Wasiirka Arimaha Gudaha: Cali Warancadde

0
431

Fariin Ku Socota Wasiirka Arimaha Gudaha: Cali Warancadde
warsugannews
Waxaanan kula talin lahaa Wasiirkaasi Arimaha Guduhu inuu mawqifkiisa si cad u qeexo kana soo baxo waajibka ka saaran xilkii loo igmadey

Anigoo ah Caaqil Ismaaciil Axmed Yuusuf, marka hore saxaafadda sharafta mudan waan salaamayaa. Intaa kadib,waxaan soo gudbinayaa mawfiqkayga ka caaqil ahaan aan kamid ahay madaxdhaqameedka Somaliland, ee ku saabsan dhaqdhaqaaqyada ka dhawaan laga dareemay Somaliland ee ku aadan in Madaxdhaqameedyadu metalaan dhinacyada kala ah: Somaliland iyo Soomaaliya wadahadalka ka dhaxeeya ee dawlada Turkey-gu dhexdhexaadinta ka tahay. Iyadoo aynu nahay qaran madaxbanaan oo aduunyada aqoonsi ka raadinaya, isla markaan aduunweynuhu ka marag yahay horumarka ay bulshada Somaliland gaadhay intii ay gooni isutaagooda la soo noqdeen, waxaa hagardaamo inagu ah, in Soomaaliya oo qaran iyo dawlad dhisan kari waydey, aynu ku dhex milano oo aynu isku derajo noqono, waayo, malaha xukuumad ay dadweynuhu soo doorteen, waana mid kamid ah kala duwanaanshaheena. Hadaba, iyadoo shirqooladaasi ay jiraan, in maanta dawladnimadeenii oo dhisan la isku dayo in laga dulguuro oo la keeno hindise ah in madaxdhaqameedku la wareegaan wadahadalada u dhaxeeya labada dal waa mid lafjab inagu ah bulsho ahaan iyo qaran ahaanba Somaliland.

Inagoo taas maanka ku hayna, in maanta uu Suldaan kamid ah beelaha Hargeysa degan—waa Suldaan Xiirey oo weliba ah suldaankii qoyska Wasiirka Arimaha Gudaha Md, Cali Warancadde uu saxaafada ku baahiyey inuu diyaar u yahay kaqaybgalka shirqoolkaasi lagu wiiqayo qaranimadeena, ayaan waxa aan aad ula sii yaabay, Wasiirka Arimaha Gudaha Mr. Cali Warancadde oo aan arintaasi wax talaabo ah ka qaadin maadaama uu yahay masuulka qarankeena u yahay xilka amniga iyo dhaqanka ee bulshadeena. Waxaana jirta inuu cambaareyn dusha kaga tuuray dawlada Turkey-ga, isagoon ahayn, wasiirkii Arimaha Dibeda ee Somaliland halka xilkiisii amaanka gudaha ahaana aanuu gudanin talaabana ka qaadin Suldaankii ay isku xaafada ka soo toosayeen.

Waxaanan kula talin lahaa Wasiirkaasi Arimaha Guduhu inuu mawqifkiisa si cad u qeexo kana soo baxo waajibka ka saaran xilkii loo igmadey inta uu shaqadii arimaha dibeda isku qaadayo. Sidoo kale wasaarada Arimaha Gudaha waa inuu ku hogaamiyo, xilka ay hayso, halka wasiir kuxigeenadiisa aad arkayso oo arimo dibadeed ku hawlan iyadoo toodii ay baylahsan tahay. Ugu danbeyn, qarankani maaha mid si fudud loogu soo gaban karo, bulshada xilka ay u hayaan Warancadde iyo Suldaan Xiireyna maaha bulsho ay danahooda shakhsiga ah ka dhex fushan karaan. Beesha ay magaceeda sheegtaana waa mid qarankan u soo jeeda ee labadaasi masuul ha is cadeeyaan, haddii kale inay isku mawqif yihiin baanu u arkaynaa.

WABILAAHI TOWFIIQ

CAAQIL: ISMAACIIL AXMED YUUSUF

HARGEYSA SOMALILAND

TEL: 063-4418598