“Farmaajo May Jebin Mucaaridku Ee Waxa Jebiyay Kuwii Reer Muqdisho Ama Hawiye Ee Laabta U Garaacayay Ee Ku Lahaa Ku Soco Annaga Ayaad Dhabtayda Ku Hurudaaye” Cali Guray

0
283

MUQDISHO : MAYA MAYA KELI-TALISNIMO DAMBE MAYA

Ma waxan idhaahdaa “ haddaan hooyaa mise Bacaluul Isqaaday?”

Farmaajo miskiin! Waxa la yidhi NIN AAN KUU FURI DOONIN YAANU KUU RARIN. Farmaajo may jebin mucaaridku ee waxa jebiyay kuwii reer Muqdisho ama Hawiye ee laabta u garaacayay ee ku lahaa ku soco annaga ayaad dhabtayda ku hurudaaye. Muddo kordhinta uu keligii ku dhawaaqay way cadayd in ay ahayd keliya IS-DELDELAAD SIYAASADEED Waayo intii ka horaysay go’aankan kubadda isaga ayaa watay hadii doorasho uu qaban lahaana may jirin cid uga dhawayd in uu ku guulaysto. Hadda inteeduu ku sugay oo Vila Somalia ayuu go’doon ku yahay Muqdishona way ka badbaaday dagaal sokeeye laga bilaabo caawa. Markaa Bacaluul isqaaday aniguna haddaan hooyaa waayo Somalia way ka badbaaday in mar kale ay gacanta u gasho digtaytar oo reer Muqdisho ayaa cod dheer ku yidhi MAYA MAYA KELI-TALISNIMO DAMBE MAYA

W/Q Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here