FARMAAJO Oo Jaray Lacag Iyo Gunno Ay Qaadan Jireen Laba Madaxweyne Oo Ka Horreeyay

0
321

Xog ay heshay Warbaahintu ayaa xaqiijineysa in qeyb ka mid ah laga jartay lacago gunno ah oo ay qaadan jireen Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, taasi oo ay bixin jirtay dowladda dhexe.

 

Lacagtan ayaa aheyd mid labada madaxweyne ama madaxweyne kasta oo xilka ka dega uu dastuurka u ogolanayo, balse waxaa lacagtaas hadda qeyb kamid ah ka jartay Villa Somalia, sida ay  xaqiijiyeen xubno ku dhow.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale wareysi uu bixiyay maalmo ka hor, waxa uu ku sheegay in laga jaray qeyb kamid ah lacago ay xaq u lahaayeen islamarkaana ay qaadan jireen sannado ka hor.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in lacagta gunnooyinka ah laga jartay ciidankii la socday isaga iyo madaxweyne Sheekh Shariif.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here