FIFA Ciyaaraha Somaliland Toos ayay Uga Daawan Doonta shabakadda Cadalool.” Xasan Waraabe Cadde

0
470

FIFA Ciyaaraha Somaliland Toos ayay Uga Daawan Doonta shabakadda Cadalool.” Xasan Waraabe Cadde

Fifa Ciyaaraha Gobolada Cadalool Ayay Toos Uga Daawan Doontaa

Hargeysa(Warsugannews)Guddoomiyihii hore ee xidhiidhka kubadda cagta Somaliland, Xasan Waraabe Cadde ayaa sheegay inuu FIFA kala xidhiidhay sidii ay ula socon lahaayeen tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland, ayna siinayaan barta shabakadda www.cadalool.com oo ay saraakiisha xidhiidhka kubadda cagta ee FIFA ka daawan doonaan ciyaaraha Somaliland.

Xasan Waraabe Cadde oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay shabakadda Ciyaaraha ee Cadalool, waxa uu kale oo uu tibaaxay in laba garsoore oo dhexdhexaadin doona ciyaaraha Gobolladu ay ka imanayaan qaaradda Yurub, kuwaas oo dalka iman doona maalmaha soo socda.

Xasan waxa uu ugu horreyn ka hadlay halka ay marayaan ciyaaraha gobollada, waxaanu yidhi: “Iyadoo ciyaaraha qaybtii labaad ee magaalada Hargeysa la isugu imanayey aan la garanayn xilliga ay bilaabmayaan illaa hadda, iyadoo ay ciyaartooyadii ugu yaraan muddo sagaal cisho ah joogaan Hargeysa, dhibkeeda ayaanay leedahay ciyaartooyo qaarkood arday yihiin in ay muddada intaas le’eg halkan joogaan, waxaanan u arkaa nidaam aan habboonayn oo laga yara fiican yahay, waxaanay ahayd in wax walba habaysnaadaan.”

Xasan Waraabe Cadde, waxa uu qiray in ciyaaraha gobolladu ay ka adag yihiin sidii ay ahaan jireen, waxaanu yidhi: “Inkasta oo aan qiimaynayo in ay yihiin ciyaarihii ugu adkaa ee Somaliland soo maray, maadaama laga badiyey lixdii gobol ee awal hore lagu ciyaari jiray oo waliba laba loo qaybiyey, waxaan se leeyahay laba arrimood oo ah in ciyaartoygaas loo ilaaliyo wakhtiga la qabanayo tartanka iyo jadwalkiisa oo la ilaaliyo, si dhakhso ahna bulshada loogu soo bandhigo. In wacyi gellin la sameeyo oo lala shaqeeyo ciidanka waa muhiim, dhallinyaraduna waa inay noqdaan saaxiibka booliska, booliskuna waa inay ixtiraamaan dhallinyarada.”

Guddoomiyaha hore, waxa kale oo uu tibaaxay in xulka gobolka Maroodi Jeex ay aqbaleen natiijada ciyaartii dhexmartay Gobolka Awdal, ayna ogolaadeen inay ka hadheen tartanka oo markii hore ay ku doodayeen in go’aankii xidhiidhku ku reebay aanu xaqi ahayn oo ay dacwad ka gudbiyeen, waxaanu yidhi Xasan oo arrintaas ka hadlayaa: “Waxa aan soo dhoweynayaa xulka Gobolka Maroodi Jeex oo aqbalay inay hadhee, kadib markii odayaasha, dhallinyaraduba ay in badan kala hadheen. Iyaguna ay ballanqaadeen inay aqbaleen oo ay soo dhoweynayaan dhamaan gobollada, go’aankaas geesinnimada lehna aan ugu hambalyeynayaa.”

Khabiirkan ciyaaruhu waxa talooyin u soo jeediyey wasaaradda ciyaaraha, shacabka, xukuumadda iyo ciyaartooyada ka qayb gelaya tartanka gobollada Somaliland, waxaanu yidhi: “Wasaaradda waxaan leeyahay waa in aanay ciyaaruhu mar dambe inaga kala daadan, laakiin wakhtiga ciyaaruhu bilaabmayaan iyo wakhtiga ay dhamaanayaanba ay wakhti cad oo la ogyahay ahaadaan, laguna beego wakhtiga iskuulladu fasaxa yihiin, waayo kuwo badan. “Xukuumadda waxaan leeyahay uma baahnin ciyaaro gobollo oo caynkan ah oo kharashka intaa le’eg uu ku baxayo, waana in la joojiyo oo loo beddelo in la dhiso kooxo iskuullada laga soo dhiso, waanan ku kalsoonahay in la samayn doono. Dadweynaha ciyaaraha daawan doona waxaan leeyahay dadka Hargeysa ee caasimadda degan waa isku mid, ma kala laha xaafado, waa in ay si isku mid ah u soo dhoweeyaan ciyaartooyada, ha kala taageeraan laakiin marka ay ciyaartu dhamaato waa in saaxiib la noqdo, suuqa marka lagu arkana waa in la soo dhoweeyo. Xulalka gobollada ciyaari doona waa inay aad iyo aad u ixtiraamaan go’aanka garsooraha oo inta ay ciyaartu socoto aanay ku mashquulin garsooraha.”

Xasan Waraabe Cadde, waxa uu kale oo soo dhoweeyey garsooreyaal uu sheegay inay ka imanayaan qaaradda Yurub oo dhexdhexaadin doona ciyaaraha gobollada, waxaanu yidhi: “Waxa aan soo dhoweynayaa laba garsoore oo sida aan warka ku hayo laba garsoore oo midkood yahay nin weyn oo caalami ah, dalkana si aad ah looga yaqaano oo ah Yuusuf Maaweel oo dalka Finland ka iman doona iyo garsoore kale oo England ka iman doona, kuwaas oo waxweyn ka tari doona xagga caddaalada, waana in si fiican loo soo dhoweeyo oo lagu daydo.”

Ugu dambayn, waxa uu sheegay inay la xidhiidheen Hay’adda kubadda cagta adduunka ee FIFA, taas oo uu ka shaqaynayo sidii ciyaaraha gobollada Somaliland ay u daawan lahaayeen saraakiisha FIFA, iyo waliba sidii ay ula socon lahaayeen dhaqdhaqaaqa ciyaareed ee dalka ka jira, taas oo uu tibaaxay inay siin doonaan cinwaanka shabakadda ciyaaraha ee www.cadalool.com oo si toos ah u baahisa ciyaaraha gobollada Somaliland iyo kuwa caalamkaba, waxaanu yidhi: “Arrinta ugu dambaysa, anigoo mahad gaar ah u celinaya shabakadda Cadalool.com oo LIVE (toos) u baahisa ciyaaraha, waxa aanu la xidhiidhnay hay’adda kubadda cagta caalamiga ah ee FIFA, waxa aanu dooneynaa in lagu xidho live stream oo ay toos u daawadaan, Cadalool.com waa inay arrintaas hormood ka noqoto oo ciyaaraha Somaliland ay qabato lagala socdo, xuquuqdeeda ku lunsan oo aan ogahay inay rag sheegan doonaan lagala socdo, waananu ku talo jirnaa raggaas, link-ga Cadalool.com ayaananu FIFA u gudbin doonaa si ay ugala socdaan ciyaaraha.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here