FLY DUBAI Oo U Dabaal-degtay Sanad Guuradda 1-aad Ee Ka Soo Wareegtay Markii Ay duulimaadyadda Ka Bilawday Hargaysa

0
558

FLY DUBAI Oo U Dabaal-degtay Sanad Guuradda 1-aad Ee Ka Soo Wareegtay Markii Ay duulimaadyadda Ka Bilawday Hargaysa

Hargaysa(Warsugannews):Shirkadda duulimaadyadda ee FLY DUBAI oo ka mid ah shirkadaha u kala goosha magaalooyinka Hargaysa iyo Dubai ayaa xalay waxay magaaladda Hargaysa ku qabatay munaasibad afur ah oo ay ugu dabaal-degaysay sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii ay duulimaadyadda ka bilawday Somaliland.

Waxaana xafladaasi ka soo qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland, safiirka Somaliland ee imaaraadka carabta, hogaamiyeyaasha asxaabta siyaasadda masuuliyiin ka socday shirkadaha Dahabshiil, Telesom, Somcable, xubno magac ku leh bulshadda dhexdeedda, madax-dhaqameed iyo marti sharaf kale.

fly dubia1

Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka ee Somaliland Cumar Sheekh Maxamed Faarax, oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa shirkadda FLY DUABI ku hambalyeeyay sanad guuradeedda. Sidoo kale wasiirku waxa uu bogaadiyay shirkadda kale ee ay FLY DUBAI wada shaqaynta leeyihiin ee Safe Way Travel anad Tourism.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Caawa waxaan halkan u joognaa xafladda sanad guuradda koowaad ee ka soo wareegtay markii ay shirkadda diyaaradaha ee FLY DUBAI ay duulimaadyadeedda ka bilawday magaaladda Hargaysa, waanan ku hambalyaynayaa. Waxa kale oo aan amaan u dirayaa shirkadda Safe Way Travel anad Tourism, oo ah kuwii soo hagay, ee dalka keenay FLY DUBAI”.
flydubia2

Safiirka Somaliland ee wadanka Imaaraadka carabta Danjire Baashe Cawil, oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirkadda FLY DUBAI ay si weyn u fududaysay xidhiidhka duulimaadyadda ee ay Somaliland la wadaagto wadamadda carabta iyo dunidda inteedda kale.

Waxaanu yidhi “Shirkadda diyaaradaha ee FLY DUBAI waxay fududeeyeen, oo ay dhiiri geliyeen socdaalka dhinaca hawadda ee aan la leenahay dawladaha carabta iyo dunidda kaleba”.

Hodan Cabdi Warsame iyo Serov Bekete, oo ka tirsan maamulka sare ee shirkadda FLY DUBAI oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa u mahad naqay dadweynihii kala duwanaa ee munaasibadaasi ka soo qayb galay.

“Maanta oo kale sanad ka hor 9-kii bishii June ee 2015-kii, magaaladda Hargaysa ee caasimadda Somaliland ayay shirkadda FLY DUBAI duulimaadkeedii u horeeyay waxay ka bilawday garoonka diyaaradaha ee Cigal Air port” ayay tdihi Hodan Cabdi Warsame.

C/wahaab Maax, oo ku hadlayay af-ka shirkadda is-gaadhsiinta ee Telesom oo isna munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirkadda diyaaradaha ee FLY DUBAI ay wax badan ku soo kordhisay suuqyadda duulimaadyadda, isla markaanna wax badan laga faa’iiday.

Waxaanu yidhi “Waxaan is leeyahay shirkadda FLY DUBAI, wax badan ayay suuqa ku soo kordhisay, wax badan ayaynu ka faa’iidnay, wax badan oo kalena waynu uga baahanahay”.

Sidoo kale waxaa isna munaasibadaasi hadal ka jeediyay Axmed Jaamac Faarax, oo ka socday shirkadda Dahabshiil. Waxaanu yidhi “FLY DUBAI wadanka waxay u furtay al-baab muhiim ah, oo ku xidhaya caalamka intiisa kale”.

Xamse Gaax-nuug, oo u hadlayay shirkadda Somcalbe ayaa tilmaamay in shirkadda FLY DUBAI dadka rakaabka ah ee raacay in ay si weyn ugu bogeen. “Shirkadda FLY DUBAI dadka raacay, waxay ii sheegeen in adeegeedu uu aad u wanaagsan yahay” ayuu yidhi Xamse Gaax-nuug.

Dr. Edna Aadan Ismaaciil, oo munaasibadaasi ka hadashay ayaa sheegtay in shirkadda FLY DUBAI ay wax badan ka bedeshay isu socodka dhinaca gaadiidka cirka ee u dhexeeya Somaliland iyo wadanka Imaaraadka carabta.

“Waxaynu u baahanahay shirkaddo duulimaad badan oo sida FLY DUBAI oo kale ah. Waxaanan rejaynayaa in tani ay tusaale u noqon doonto shirkadaha kale ee ganacsiga. Waxaan idin leeyahay Somaliland waad ka samaysan kartaan ganacsiyo, maxaa yeelay, Somaliland waa dal amaan ah oo ay nabadgeliyadiisu ay degan tahay. Waananu jecel nahay in aad wadankayaga ganacsi ka samaysataan.

Waxaan idin leeyahay, FLY DUBAI soo dhawaadda Somaliland, shirkadaha carbeed ee kale iyagna waxaan leeyahay ku soo dhawaadda Somaliland”.

Sidoo kale waxaa iyagna munaasibadaasi ka hadlay guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi (cirro), guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow, waxaanay dhamaantoodba shirkadda FLY DUBAI ku amaaneen adeega dhinaca duulimaadyadda ee ay ugu kala gooshto Somaliland iyo wadanka imaaraadka carabta.

Gunaanadkii xafladaasi ayaa shirkadda FLY DUBAI waxay Tigidho bilaash ah siisay xubno ka mid ahaa dadkii munaasibadda joogay oo ku guulaystay Bakhtiyaa-nasiib ay isla madashaasi ku samaysay, kuwaasi oo lacag la’aan ku raaci doona duulimaadyo u bixi doona dhinaca magaaladda Dubai.