Gabadh markay dhalatay la xaday oo la helay 18 sano ka dib

0
309

Gabadh la xaday markii ay ku dhalatay isbitaal ku yaalla gobolka Florida ee dalka Maraykanka ayaa la helay iyada oo nool 18 sano ka dib, sida ay sheegeen booliiska gobolka South Carolina.
Kamiyah Mobley, oo la xaday bishii July ee sanadkii 1998 ayaa la helay ka dib markii la helay tilmaamo wax ku ool ah sida ay booliisku sheegeen.
Masuuliyiinta magaalada Walterboro, ee gobolka South Carolina ayaa xiray Gloria Williams, oo 51 ah oo lala xiriiriyay afduubka gabadhan.
Gabadha la xaday oo magac kale loo bixiyay ayaan wax fikir ah ka haysanin xaaladdeeda waxayna aamin sanayd in Gloria ay tahay hooyadeed.