Gabadh Soomaali Ah Oo Ka Qeyb-gashay Tijaabada Tallaalka COVID-19

0
281

Sahra Kaahiye, oo ah gabadh Soomaali ah oo ka howlgasha cisbitaal ku yaalla magaalada Alberta ayaa noqotay qofkii ugu horreeyey ee ka soo jeeda Alberta ee qaata talaalka Covid-19.

Sahra ayaa sheegtay in qaadashada talaalkan ay u ahayd mid taariikhi ah .

“Markaan subixii soo kacay ma filaynin inaan noqdo qofka kowaad ee Alberta ka qaata talaalka covid-19,” Ayey tidhi.

Shaqaalaha caafimaadka ee labada magaala ee ugu waaweyn gobolka ayaa ugu horreyn qaadanaya talaalkan cusub ee cudurka coronavirus.

Sahra ayaa sheegtay in Irbaddan ay la mid tahay kuwa kale ee caadiga ah, balse ayna dareemin wax culays ama xanuun ah.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay rajaynayso in madaxa midowga haweenka iyo carruurta Soomaalida ay tusaale u noqon doonto si ay u ogaadan in daawadan ay tahay mid aanan khatar lahayn meel walbana mar dhaw laga heli doono

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here