Gabadh Uu Dhalay Raysal Wasaarihii Hore Ee Itoobiya Meles Zenawi Oo La Xidhay

0
318

Gabadh uu dhalay Raysal Wasaarihii hore ee Itoobiya, Meles Zenawi, ayaa xabsiga la dhigay, sida ay shaacisay hooyadeed.

Semahal Meles waxaa lagu xidhay magaalada Maqalle ee caasimadda gobolka Tigray, sida ay BBC-da u xaqiijisay Azeb Mesfin, oo ah xaaskii uu ka geeriyooday Meles.

Waxaa noo suuragalin isku day aan la sameynay saraakiisha dowladda Itoobiya, si ay uga hadlaan arrintan.

Ciidamada milatariga federaalka Itoobiya ayaa magaalada Maqalle la wareegay dabayaaqadii bishii November, kaddib markii lasoo afjaray dagaal socday saddex isbuuc oo u dhaxeeyay iyada iyo xoogagga Tigray ee daacadda u ah xisbiga TPLF.

Semahal waxay Maqalle u safartay ka hor inta uusan dagaalka dhicin, si ay uga soo sameyso cilmibaaris ku aaddan filim ay ka diyaarineysay aabbeheed Zenawi, oo ahaa nin magac weyn ku dhex leh qabiilka Tigray iyo xisbiga TPLF ee muddada dheer soo hayay talada dalkaas.

Meles wuxuu hoggaanka Itoobiya hayay intii u dhaxeysay horaantii 1990-meeyadii ilaa markii uu dhintay oo ahayd sanadkii 2012-kii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here