Gabay la magac baxay Samo-wade oo loo tiriyey Madaxweyne Siilaanyo

0
2560

Gabayga Samo-wade waa Gabay duco ah oo aan MAdaxweynaha Somaliland ugu duceeyay sanadkii Hore bishii 11aad, Madaxweynuhu waa shaqsi innaga Mudan qiimeyn iyo inaan ugu ducayno xilkaa uu hayo. Wanaaga uu bulshaddeena u galayna waa abaal aynaan gudi karin, Alle SWT ha ka abaal mariyee.

Abwaan Cabdikhaaliq Axmed Cismaan.
waxaanan ku bilaabayaa sidan:-
Sanadahanba waa taan ka tagay soocidii gabaye
Sahwi igu kordhaa I baday inaan gabay sameeyaaye
Cadceedaa uu samad soo diree barri ka soo saaray
Sacabada in lagu qariyo waa waxaan sugnaanaydhe
Adigaa socdaal dheer ku maray sudiyo xeebaha’e
Sammad iyo adiga kuma dhibaan siigo boodh lihiye
Sama-wade socdaalkaagii barri waala saacidaye
Saaxil iyo boorama ilaa selel kuwii joogay
Sinta ceerigaabiyo sanaag wa ku sugayeene
Saylac iyo saraar godan ilaa sabadii buuhoodle
Burco sooneheediyo ilaa sudihii oodweyne
Surimada cadaadley iyo in kaloo siinku qaban waayay
Sacabada aday kuu tumeen kuna salaameene
Ciidamada saraakiisha ee sugay amaankeena
Adigaa bilado siiyay iyo saanadii qalabe
Siyaasi rug-cadaayaad tahoo dunida saameeyee
Siilaanyo noo tali bulshaddu way ku saacidiye
Afartaa sammeeyaye haddaan hore u sii dhaafo
Mayay subixii horraad tihiyo neecawdu sidaye
Waxaad tahay gu’ saameelan iyo sagal barwaaqeede
Dadku nimuu u siman yahaad tahoo saamaxaad badane
Waxaad tahay adoon saalixoo saajicoo gob’ahe
Suldadaadu madaxweyne waa mid aan sal guurayne
Ma cidbaan la simi dawladdani waa sabool korise
Waxba gabaygu yuu ila sibqine ila sal dheeraane
Aniguna ducaan kuu sidaa abid sareeyow’e
Subaxuu illaah dunida ururshee suurta la afuufo
Si xun Eebahay kuuma dilo samo ku waaraw’e
Saranseer illaah kuma badiyo waxaad saluugtaaye
Surmi iyo haraad kuma marshiyo surin cidhiidhyoone
Sumbulaha cadaabtana rabbigu kaa silsiladeeye
Cudurada wax-saaqa iyo illaah silica kaa hay’e
Samihiyo wanaagana illaah midigta kaa siiye
Janadii samaar iyo ka guro soor macaan badane
Saxaabtii la noolow iyo safkii nebbiyadeeniiye
Waxba gabaygu yuu ila sibqine ila sal-dheeraane
Siilaanyo noo tali bulshaddu way ku saacidiye.
Mobile Number:-0634144822.
Email:- abdikhalaqahmed09@gmail.com