GABILEY: Madax-dhaqameed Raalli-gelin Ka Bixiyey Hadal Xanaf Leh Oo Lagu Xajiimmeeyey Marwada Madaxweynaha

0
341

GABILEY: Madax-dhaqameed Raalli-gelin Ka Bixiyey Hadal Xanaf Leh Oo Lagu Xajiimmeeyey Marwada Madaxweynaha

“Siyaasadda Guud Ee Qaranka Waxaanu U Daba Fadhinnaa Oo Wakiil Nooga Ah Wasiirka Wershadaha Oo Magacayaga Ku Metella Dawladda”

“Dhaqankeenna Kuma Jirto In Ooryaha Wax Laga Sheego, Tabashona Lama Waayo’e Haddii Ay Jiraan Waxa Ay Leeyihiin Dariiq Loo Maro”

Gabiley (Warsugannews) – Cuqaasha, Sallaadiinta iyo madax dhaqameedka gobolka Gabiley ayaa raalli-gelin iyo xaal gole joog ah ka bixiyey hadallo wax lagaga sheegay Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamnina Sh. Maxamuud Jirde (weris) iyo Wasiirka wasaaradda Wershadaha Somaliland Md. Shucayb Maxamed Muuse, kuwaas oo Ay ka soo yeedhay xubno sheegtay dhalinyarada gobolkaasi.

Tobanneeyo xubnood oo isugu jira Salaadiin, Cuqaal, Odayaal, Waxgarad iyo dhalinyaro kale oo maalintii shalay warbaahinta ugu warramay magaallada Gabiley ee xarunta gobolkaasi Gabiley ayaa hoosta ka xarriiqay cidda keliya ee ay bulshada deegaanku u wakiillatay in ay metesho isla markaana u dhaxayso iyaga iyo dawladda, kuwaas oo ah Odayaasha iyo waxgaradka gobolka oo iyagu huwan maamuuska dhaqan ee ay bulshada kumetellaan. Salaadiintan iyo madax dhaqameedkan oo ay kamid ahaayeen Suldaan Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cali Barkhad [Shimbir], Oday Abiib Warsame Cabdi (gurey), Caaqil Yuusuf Aw Ramaax, Caaqil Maxamed Maxamuud Cute, Oday Axmed Ismaaciil (Xaaji Diide), Oday Maxamed Muuse Shiil, Oday Cabdi Muuse Waaberi (Boos), Oday Nuur Xaaji Ismaaciil, Oday Maxamed Sh. Ismaaciil Aw Muuse (Ceesh) Caaqil Xasan Gadhle, Oday Sh Maxamed Muxumed iyo waxgarad kale oo deegaanka ah ayaa sheegay in ay raalligelin ka bixinayaan hadallada ka soo yeedhay xubnaha ku hadlay magaca beeshooda oo ay tilmaameen in aan dhaqanka bulshadu gar iyo daw toona ogolayn in waxlaga sheego Haweenka oo iyagu birma geydo ah isla markaana aanay ogolayn in la xag-xagto Wasiirrada xukuumadda kujira ee ka soo jeeda gobolka Gabiley oo iyagu kalsooni buuxda ka haysta dadkooda. Oday Abiib Warsame Cabdi (Gurey) oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in bulshadu ay madax iyo minjo kala leedahay sidaasi oo ay tahayna aanay waxgarad ahaan waxba ka ogayn isla markaana waafaqsanayn hadallada xajiinta leh ee ka soo yeedhay dhalinyaradan. “Niman dhalinyaro ah oo runtii wax aan loo baahnayn, aan dawna ahayn ku hadlay oo aanu TV-ga uun ka aragnay ayaa waxaanu ka bixinaynaa raalli-gelin buuxda haddaanu nahay odayaashii, cuqaashii, salaadiintii iyo madax-dhaqameedkii gobolka Gabiley hor-socodka u ahaa illeyn cid waliba waxaa ay leedahay cid ay daba socotee”. Sidaa ayuu yidhi Oday Abiib Gurey waxaanu intaa ku daray “haddii aanu dadkaas nahay waxaanu kelmadahaas meel ka dhaca ah ee ka soo yeedhay dhalinyaradaas hadashay aanu 100% ka raalli gelinaynaa deel-qaafkaas lagu yidhi Marwada Madaxweynaha, run ahaanna waanu ka xunnahayoo wax annaga naga yimi maaha, wax aanu ogaynna maaha markii aynasoo gaadhayna runtii aad bay noo damaqday. Calaa kulli xaalse hadalkaasi waa hadal baydhay ee raalli ha laga noqdo”. Ayuu hadalkiisa kusoo gebogabeeyey Oday Abiib Warsame Cabdi (gurey). Dhinaca kale Suldaan Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cali (Shimbir) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa dhinaciisa xaal gole joog ah iyo raalli gelin ka bixiyey weedhihii lagu duray Masuuliyiinta qaranka ee ka soo yeedhay dhalinyarada ku hadlayay magaca gobolkaasi, waxaanu Suldaanku yidhi “ Run ahaan ma aha in cid kastaa iska hadasho ee bani aadamku tabasho ma waayee wixii tabasho ahi haddii ay jiraan waxaa ay leedahay waddo iyo dariiq loo maro, laakiin maaha in Saxaafadda la isu adeegsado oo la caytamo, dhaqanka kuma jirto in ooryaha wax laga sheego waayo dumarku mar waa walaashaa ookula dhalatay, marna waa ooridaadii, marna waa inantaadii marna waa hooyadii ku dhashay . Markaas waxaan leeyahay hadalkaas ka yimi innamadaasi waa mid aan meesha qaban. Mida kale ee 2aad Mas’uuliyiinta dawladda iyo bulshada gobolka cidda u dhaxaysaa waa odayaasha oo iyagu wakiil uga ah bulshada wixii ay dawladda uga baahdaan”. Ayuu yidhi Suldaan Shimbir.

Gebobadii waxaa ay xubnahani bogaadiyeen Wasiirka wasaaradda wershadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse Oo ay sheegeen in uu door firfircoon ku leeyahay geedi socodka siyaasadda qaranka iyo ta gobolka Gabiley labadaba, isla markaana ay hoggaanka dhaqanka ee gobolku iyo ka beeshooduba kalsooni buuxda ku qabaan xil gudashadiisa, muddadii uu xilka hayayna uu jebiyey deyr adag oo u dhexeeyey reer gabiley iyo xukuumadda Somaliland ee uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuudd Siilaanyo Gadh-wadeenka ka yahay. Siyaasadda guud ee qaranka waxaa noo metella oo aanu u Daba fadhinnaa Wasiirka Wershadaha, Isaga Ayaanna Wixii Dawladda ka yimaada nooga wakiil ah oo aanu ku daba faylaynaa” sidaasna waxaa yidhi mid kamid ah xubnihii madasha ka hadlay