GEERIDIISII BAAN U IIBIYAY QALINKA ENG HIBO AHMED ISMAIL

0
672

GEERIDIISII BAAN U IIBIYAY

Aaboo Mawliid waxa uu ahaa Aabe dhalay
afar caruur ah laba hablood iyo laba wiil
waxa kale oo ay wada noolaayeen Hooyo
Xaliimo oo ahayd aafadiisa ubadkana u
dhashay, afartoodaa ilmoodna na waxa la kala odhan jiray Faadumo ,Fadxiya ,Mahad iyo Mukhtaar oo Faadumo curad ahayd sadexda kale na ay ka yar yaraayeen, aqal iyo reer waxa yagleelay labada hablood ee waa wayn xaga labada wiilna midna dugsiga dhexe ku jiray midna ka sare so galay .
Aaboo Mawliid waxa uu ahaa xisaabiye dawladeed nolosha reerkiisuna waxay ku jirtay nolosha dhexe ilaahay mahadii wax ka maqan may jirin

Subax Suxyada ka mida ayaa waxa soo kacaday hooyo Xaliimo sidii caadada u ahayd markay tukatay salaadi subax ayuu so galay gurigii Aabo Mawliid oo uu wehelinayo Mukhtaar yare iyago ka soo
noqday xagaa iyo misaajidka oon gurigaba ka fogayn hooyo Xaliimaa tiri oo Mahad saaka miyaanu idin raacin Aabo Mawliid mayee saaka qolka waanu ku gargaraacno markuu furi waayay ayaanu is nidhi waydun habsaami doontaan oo waanu ka tagnay waa hagaag bay ugu jawaab celisa aafadiisi.
Hooyo xaliimo waxay u kacday xaagaa iyo dhinaca malbakha oo sidii looga bartay waxay u diyaarinaysay qureecdii sayigeeda iyo labadeeda wiil markii ay dhamaysay amintuna tahay lixdii iyo badhkii ayay is tiri u kici inamada dugsigii si aanay uga habsaamin qolkuu Mahad seexanayay ayay u kacday albaabkii markay ku garaacday hooyo kac waar mahad kac waa xili danbe ayay ka dhaqaaqday waxaanay u tagtay mukhtaar yare oo qolku u ceshanaa ileen waaki mar dhawayd uun ka so noqday masaajidkee hooyo mukhtaar kac markay ku tiri ba wu booday

Way iskaga dhaqaaqday ilaa shan mirir kadib ayay mukhtaar ku tir waar walaalka miyuu so kacay iyo maya hooyo bisinka miyuu dhintay tallow xalay mise inanku wuu bukaa intay tiri ayay u kacday qolkii albaabki markay ku tuntay loona bixi waayay ayay ku tiri mukhtaar waar bal furayaasha isbeerka ah soo qaad sidani wax ka wayne furayaashi loo keen furtay qolkii mise inankuba ma joogo way qaylisay hooyo xaliimo oo dhankii sayigeeda bay u carartay xaaji xaaji kac inankii ma jooge yaa kee ma mukhtaar may ee mahad oo soowkii xalay soo hooyday iyo anba waan ogaa inuu soo hooyde kac odaygii mawliid ahaa wuu booday oo xaafad ay jaar ahaayeen oo inankiisuu inankooga la saaxiib ahaa ayuu u tagay isagoo yaaban oo ducaysanaya ayuu reerkii afka uga galay aafadii guriga ayuu ku yidhi Mahad hadmaa idiinku danbaysay iyo xaalay cishaaigii bal eeg inuu Barkhad joogo waan waayay mahad sake xalayna nabad baanu ku kala seexanee iyo waayay walaal gabadhii oo foorarta ayaa soo noqotay waxyna ku tiri ma joogo isna way naxeen labadii waalid Barkhad agoon buu ahaa oo hooyadii suuqay u fadhiisan jirtay oo khudrad yar ayay ku iibisaa sariibada Aabo mawliid baa ku yidhi walaal khadraay iska fadhiiso oo ciyaalka quraacsii anaa labada nin ka war dooniye , gurigiisii ayuu iskaga laabtay isagoo yaaban hooyo xaliimo ayuu u sheegay siday wax u dhaceen waxaanu ku idh waan baxayaa oo waan ka war doonayaaye waaka reerkii

Dayday iyo maalin dhdeer oo rafaad wata waxa la ogaysiiyay in ay ku sii socdaan tahriib oo itoobiya u kaceen , waxa uu war galiyay Aabo Mawliid dhamaan laamihii socdaalka ,Barkhad iyo Mahad isma laha waa laydin ogaaday xadka Soomaaliland imika markaad ka baxdaan cid idnima soo celin karto ayay is leeyiih kaantroolkii wajaale markay gaadheen ayaa la dajiyay rakaabkii oo dhan labadoodi ayaa laga reebay aabo intii kalena gaadhigii ayay iskaga noqdeen Mawliidna waa la ogaysiiyay in la qabtay labadaba ii xidha intaan soo gaadhayo ayuu ku yidhi askartii kaantroolka iyo waayay gurigii ayuu ku soo noqday Mukhtaar oo soo rawaxay ayuu ku yidhi aabo orod oo u yeedh habo Khadra waanu ugu yeedhay aafadiisii Xaliimana iyadna wuu u yeedhay labadii dumar ahaa ayuu u waramay siday wax u jireen waxaanay isla garteen sadexdii waalid in nimanka iyagoon gaajo silic iyo balan bal toona arag tahriib u hanqal taagay todobaad ha xidhnaadan kadibna in ay u caqli celiyaan ayay isla qaateen sidiina way sameeyeen Mawliid todobaad kadib ayuu baxay si uu u soo kaxeeyo marku keenay ayuu ku idh manta nasta waa inoo bari markaasaynu sheekaysane iyagoo madaxa foorarinayay ayay guriga galeen hooyo khadrina waxay ku tiri walaal Mawliidoow hay tusin ninka aan dhibta iyo cadceeda isaga awgii u fadhiyay ee ciyaal shana u wayn waxaasna sameeyay ma arki karo iyo walaal manta labadaba anay ila joogayaan ee ciyaalkii u noqo baraynu ka waran siine haye walaal intay ku tiri ayay iska sii luuday gurigna gaadhay , Barkhad iyo Mahad ba iyaguna way ciil kaanbiyayaan waxay waalidkiid u gaysteen iyo intay dhib soo mariyeen baridii lagu balan sanaa yaa laysla gaadhay labadii wiil iyo sadexdii waalid ba waxa la wada galay qolka fadhiga halkaasana su aalihii lagu waydiiyay wax kamaqnaa ee ay doonayeen iyagoo wax kasta la ag dhigay wax waalidkood awoodan iyo waxaanay awoodinba waxna laga hagran way ooyeen oo way ciil caloolyoobeen dhibtii lagu soo koriyay markay dib u dhagaysteen wax ay u sheegeen waalidkood na waxyan u sheegeen inay kaliya rabeen waalidkood inay wax taraan oo ay u soo shaqeeyaan waxa uu ugu jawaabay Aabo Mawliid shaqo hadaad rabtaan halkanba waydun ka shaqaysan galinkaad dugsiga tagaysaan maahe galinka kale xamaasha oo laba gaadhi ban Barkhdana u kirayn adna Mahadoow kuu iibine bal shaqaysta waydinkaase kirada gaadhiga waa inaad iska bixisaa Barkhadoow maalinkasta 10 dolar

Aabo mawliid subixii subaxaa ku xigayba balantuu qaaday wuu oofiyay gawaadhidiina wuu keenay nooca yar yare e loo yaqaan fitsta ama dukhaanka furayaashina wuu ku wareejiyay wax sidaa ahaataba iyaguna ay shaqaystaanba casar gaaban oo cirku daruur ku taagantay ayuu Mahad u baxay galbeedka magaalada in doora markuu socday ileen nafta lamaynu balamine isagoo gaadhigii xoog u wada ayuu afarta shag xaga kale ka rogay waanu la dhacay kaligiina muu ahayne laba ay isku dhalin ahaayeen ayaa la socday
Mahad isla markiiba halkii bay naftii kaga baxday halka labadii kalena dhaawac culus ahaayeen bil nasiib barkhad lama uusan socon

Dadkii wadada marayay ayaa arkay waana la soo sheegay dagdagn waxa loo keenay dhakhtarka wayn Mahad waxa la geeyay qolka maydka labadii inana qolka gargaarka dagdaga ayaa la dhigay
Aabo mawliid oo salaadi makhrib u waysaysanayaa ayaa la so garaacay dhawr jeer markuu waysadii dhameeyay ayuu yidhi xaliimh hoo teleboonka masajidkaan tagayaaye qolo aanan garanayn baa isoo garacaysee haday kugu soo celiyaan ka qabo masaajidku ku maqanyahay ku dhe iyo haye xaaji
Inyar marku si maqnaa ayuu teleboonkii soo dhacay Halloow xaajigii wuu soo tukanayaaye kuso celi walaal adu ma xaaskii baaad tahay haa walaal ilaahay samar iyo iimaan saadiqa haydinka siiyo inankii wuu dhintee yaa kee yaa dhintay ma inankaygii walal numberkaa kaa qaldan may walaalo Mahad baan sheegayaa shil buu galay maydkiina waxuu yaaala qolka maydka dhakhtarka wayn kaligiina muu ahayn ee laba dhilinyaro aha aayaa la socday hooyo xaliimo halkii ay taagnayd bay koomo ku gashay hallow hallow maad I maqlaysaa inan ay eedo u ahayd oo ciyaalkeeda ilmaadeer ahaayeen ayaa kuso carartay eedo eedoo maxa kugu dhacay teleboonkii oo sii hadlayaa ayay tiri maxaa dhacay maxaad eedo ku tiraahdeen sidii ay wax u jireen bay ugu sheegeen iyadoo inantii ooyaysa isalaantii eedoda u ahaydna taal ayuu Mawliid masaajidka ka so noqday Mukhtaar na uu la socdo bisinka bisinka adeer maxaa dhacay maxaa dhacay ayuu ku yidhi adeer Mahad baa dhintay ee maydkiisa soo doonta ayaa la yidhi yaa maxaad tiri adeer dee ma Mahad kalaa Mahad Mawliid sookii inala joogay casarkii adeer yaa waxaas kugu yidhi adeer qoladaasa na so garaacday igu celi aabihii loo sheeg siday wax u jireen kadib isagoo inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun haya ayuu u qaadayxaliimo dhakhtarka maydkiina is idh so qaad inantuu adeerkaa u ahaa iyo Mukhtaarna ku yidh hablihiini iyo adeeradiin u sheega oo dhakhtarka igaga daba imaada
Xaliimo laba saacadood ayuu maanka iyo miyirkuba ka maqnaa maankeedii markay soo ceshatayna ayuu Aabo Mawliid u galay waanu u caqli celiyay laba qof oo diin leh na way ahaayeen waanay ku samreen ilmahoodii.

Hadaba akhriste ma ogtahay dadkeena inta ugu badan ee dhimataa iyo inta dhaakhtiirta u taala dhaawac shil gaadhi mooye sababaha kale yaryihiin dhimashada iyo dhaawacaana waliba u badanyihiin dayarteenu ,wadayaal yar yar oon wax khibrada iyo wado maris toona u lahayn haba yaraatee gawaadhida dhaqaaji mooyee wataan waalidka ilmaha gaadhi tahriib kaga sasabaayana ha ogaado in uu yahay u iibiyaha dilahii ilmahiisaa

QALINKA ENG HIBO AHMED ISMAIL