Gerard Pique oo garsooraha ku eedeeyay guul daradii soo gaartay xalay kooxdiisa

0
430

Daafaca kooxda Barcelona ee Gerard Pique ayaa dusha ka saaray garsoorihii ciyaarta guul daradii xalay soo gaartay kooxdiisa.

Barcelona ayaa 2-1 looga adkaaday lugta hore ee wareega 16-ka koobka boqorka Spain, xili Athletic Bilbao laga qaatay laba casaan ah.

Gerard Pique ayaa sheegay in garsooruhu uu iska indho tiray rigoore lagu galay Neymar iyo rigoore kale oo lagu galay isaga.

“Rigooradii aan loo dhigin Neymar waxay ahayd mid iska cad, iyo mid kale oo aniga uu igu galay goolhayaha Bilbao laakiin marnaba ma garanayn sida ay wax u socdaan” ayuu yiri dhamaadkii ciyaarta.

“Natiijadaan ma ahan mid xun, waxay u ciyaareen si awood ah, waxayna ku guulaysteen inay na joojiyaan iyaga oo nagu galay qaladaad badan”.

“Guuldarada 2-1, waa mid koox walba siinaysa fursadeeda, sidaas darteed waxaan isku dayi doonaa inaan guulaysano kulanka labaad”.