Gobolka Laascaanood oo maalmihii u danbeeyey lagu qabtay Mukhaadaraad kala duwan iyo Eedaysanayaal loo qabqabtay

0
420

Gobolka Laascaanood oo maalmihii u danbeeyey lagu qabtay Mukhaadaraad kala duwan iyo Eedaysanayaal loo qabqabtay.

Laascaanood(Warsugannews) waxa maalmihii u danbeeyey gobolka sool ama magaalo madaxdiisa laascaanood lagu dabajiray mukhaadaraad ay ka mid yihiin khamri iyo Maandooriyeyaal kale, nasiib wanaagse waxa laba maalmood oo maalin uun u dhaxayso gacanta lagu soo dhigay Eedaysanayaal iyo Khamri tiro badan oo lagu qabtay gudaha magaalada laascaanood.
waxaana iska kaashaday ciidanka Booliska ee Saldhiga dhexe iyo Qaybaha bulshada oo ay wehelinayaan culimo awdiinka iyo waxgaradka gobolku, iyaga oo taageero ka helaaya gudoomiyaha gobolka sool iyo taliyaha Ciidanka booliska ee Gobolka.

11986951_413730825487272_6394419487683470724_n
Taariikhdu markay ahayd 06/09/2015 waxay ciidanka boolisku gacanta ku dhegeen dad eedaysanayaal ah oo lagu qabtay khamri tiro badan Halka 08.09.2015 na ay sidoo kale gacanta ku soo dheeg khamri iyo eedaysanayaal, tan ayaa ah talaabo wax ku ool ah oo ay hore u qaadeen bulshada iyo maamulka gobolka sool kuna badbaadinayaan shacbiga gobolka ee dhibta kala kulma kuwa sarkhaamay ee denbiyada ka geysta gudaha gobolka.
11923178_413034498890238_9185018350453037481_n

11702776_413034525556902_8804274278061752197_n
ugu danbayn Gudoomiyaha Gobolka Sool Yaasin X oo aanu wax ka waydiinay ayaa noo xaqiijiyey qabashada khamriga tirada badan iyo eedaysanayaasha waxaanu u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka geysatay soo qabashada dembiileyaashan isagoo ku booriyey shacbigu inay booliska ka taageeraan kuwa dhibta iyo fusuqa ka dhex wada gobolka.
11041259_413730668820621_1092970989529624394_n

11987170_413034468890241_5932696132589047580_n

11988314_413034555556899_2591640982242327171_n

11998919_413730748820613_2817157978110079514_n

11998982_413730795487275_3104898710879621483_n

12003208_413730705487284_5179424045729513984_n

a8e511e1176b2969839b46a43c57170c_L
warsugannews
Warsuganmedia@gmail.com
Laascaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here