Golaha Wasiirada Xukuumadda Xamar Oo Ansixiyey Sharci Liddi Ku Ah Diinta Islaamka Dhigayana Guurka Dadka Isku Jingisaa Iyo Xalaalaynaya Sinada & Fawaaxishta

0
421

Golaha Wasiirada Xukuumadda Xamar Oo Ansixiyey Sharci Liddi Ku Ah Diinta Islaamka Dhigayana Guurka Dadka Isku Jingisaa Iyo Xalaalaynaya Sinada & Fawaaxishta

Mudisho(Warsugan) Sharci cusub ee ay dhawaan soo saartay Wasaaradda Horumarinta Haweenka Dawlada Xamar ayaa jidaynaya Isguursiga dadka isku jinsiga ah iyo dhiiri gelinta Sinada sharcigaasi ayey Golaha Wasiirada Xukuumada uu hogaamiyo Raisal Wasaare Cabdirashiid Cali sharmaake meel mariyeen Bishii May ee Sanadkan 2016 ka

Sharcigan ay ansixyeen Golaha Wasiirada Xamar ayaa waxaa ku jira qodobo badan kuwaas oo kasoo hor jeeda Diinta Islaamka liddina ku ah dhaqanka wanaagsan iyo akhlaaqiyaadka suuban, sharcigan ayaa qadobada ku jira waxaa kamida in gabi ahaanba la fasxaso Sinada loona arko Xaq ay bani aadamku leeyihiin sidoo kalena la yareeyo guurka si ay sinadu u badato, waxaana sharcigaasi kamida in Haweenku ay xor yihiin marka laga dhinto sidoo kalena ay guurkooda iyagu masuul ka yihiin oo wax guurin karaan waxna guursan karaa waxna , furi karaan taasi oo ah xaaraan kana soo horjeeda qiyamka islaamka iyo dhaqanka suuban , sharcigaasi ay soo saartay wasaaradda haweenka somaliya waxaa isla sidoo kale ka mid ah in la baneeyo lana xalaaleeyo guurka dadka isku jinsiga ah ayna is guursan karaan Laba nin halka laba dumar ahina is guursan karaan in Manhajka Somaliya lagu daro dhigista barashada galmada iyo isticmaalka cinjirka loo yaqaano Condom ka

Hay’adda Culimada Somaliya ayaa dhawaaq dheer ka bixiyey siyaasadaasi lagu xalaalaynaayo sharcigaasi oo culimo qodobo ku jira ay ku sheegeen inay yihiin xaaran dhiiri gelinaya sinada iyo fawaaxishta , qeylo dhaantan kasoo yeedhay Culimada ayey gabi ahaanba ganafka ku dhufteen sharciyadaasi cusub iyagoo Xukuumada Somaliya ugu baaqay inay joojiso waxaanay diinta islaamku ogolayn maadama uu dalku yahay Dal Islaama lena dhaqan wanaagsan oo oo uu la wadaago Umadda Somaliga ku hadasha.
Cuimadani ayaa ka dhawaajiyey inay jiraan gacmo shisheeye oo dabada ka riixiya sharcigaasi kasoo hor jeeda diinta islaamka waxaana ay gacmahaasi oo ay ugu horeeyaan Ciidamada Amison ugu baaqeen inay joojiyaan faro gelinta arimaha Bulsahda sido kalena waxay xuseen inay shiriyaan haween somaliyeed kuwaas o ay ku beeraan fulinta dhaqanada aan wanaagsanayn ee kasoo horjeeda diinta islaamka .

Lama garanaayo sababta keliftay in Golaha Wasiirada Xukuumada Somaliya ay ansixiyaan Sharcigaasi ka hor imanaya xaqa islamarkaana banaynaya fawaaxishta iyo waxyaabaha aan ku haboonayn diinta iyo dhaqanka.

Source Wargeyska Warsugan