Golaha Wasiirrada J.S.L oo aan u kala hadhin Ansixinta Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee 2016-ka

0
418

WAR-SAXAAFADEED
Taariikh: – 26/11/2015
Golaha Wasiirrada J.S.L oo aan u kala hadhin Ansixinta Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee 2016-ka:

Sida ku xusan Sharciga Maaliyadda Qaranka xeer lambar: 90/96, sida ku cad Dastuurka Qaranka qodobkiisa 55-aad, farqadiisa 1-aad ee la xidhiidha gudashada waajibaadka arrimaha Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Qaranka; Wasiirka Maaliyadda J.S.L Marwo Zamzam Cabdi Aadan, maanta oo ay taariikhdu tahay 26.11.2015-ka waxay Shirkii Golaha Wasiirrada hor keentay Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee sannadka 2016-ka. Shirkan Golaha Wasiirrada oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo, Xubnihii Golaha Wasiirrada ee shirkan goob-jooga ka ahaa ayaa waxa dhammaantoodba loo qaybiyey nuqul ka mid ah Buugga Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee Sannadka 2016-ka.

Buugga Odoroska Miisaaniyadda, oo run ahaantii si qoto dheer oo aad u cilmiyaysan loo soo agaasimay, waxa Golaha Wasiirrada si khibrad iyo farshaxannimo leh uga hor akhriyey Wasiirka Maaliyadda Marwo Zamzam Cabdi Aadan, Wasiiru-Dawlihii hore ee Maaliyadda Mudane Cismaan C/laahi Saxardiid (Caddaani) iyo weliba koox-dhallinyaro ah oo aqoonyahanno ah oo ka socday Waaxaha Miisaaniyadda iyo Qorshaynta ee Wasaarradda Maaliyadda. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Marwo Zamzam Cabdi Aadan waxay si qoto dheer u faah-faahisay Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee sannadka 2016-ka taasoo ka kooban:

1. Miisaaniyadda Dawladda Dhexe,
2. Miisaaniyadda Hay’adaha madaxa bannaan ee Dawladda,
3. Miisaaniyadda Dawladda Hoose,
4. Miisaaniyadda Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF),
5. Miisaaniyadda Mashruuca Maamul daadejinta Dawladda (JPLG).

Odoroska Miisaaniyadda Qaranka Sannadkan 2016-ka ee ay Wasiir Zamzam hor keentay Golaha Wasiirrada waxay ahayd Miisaaniyaddii 24-aad ee uu Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland yeesho, waxayna Miisaaniyaddani ka badan tahay Miisaaniyaddii sannadka 2015-ka 13% (boqolkiiba saddex iyo toban).
Sidoo kale, Buugga Odoroska Miisaaniyadda Qaranka Sannadka 2016-ka, waxa la socday Siyaasaddii Miisaaniyadda Qaranka ee 2016-ka, oo ay soo diyaariyeen Guddida Siyaasadda Miisaaniyadda Qaranka.

Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee 2016-ka, meelaha sannadkan muhimadda gaarka ah la siiyay waxa ka mid ah:

1) Nabadgelyada iyo Garsoorka,
2) Waddooyinka iyo Biyaha,
3) Caafimaadka iyo Daryeelka,
4) Dhallinyarada iyo Shaqo abuurka,
5) Dhulka iyo Beeraha,
6) Dhiirri-gelinta Wax soo Saarka Dalka,
7) Tayeynta iyo Fidinta Maamulka,
8) Aqoonsi Raadiska iyo Doorashooyinka,
9) Maal-gashiga,
10) Dakhliga iyo Hantida Dawladda.

Dakhliga Miisaaniyadda Qaranka ee 2016-ka:

No Hay’adda SLSh. US Dollars
1. Dawladda Dhexe 1,218,000,000,000 203,000,000
2. Hay’adaha Madaxa-bannaan 226,580,189,543 37,763,365
3. Dawladda Hoose 189,609,406,597 31,601,568
4. Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah 109,861,212,000 18,310,202
5. Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta 27,630,234,000 4,605,039
Grand Total 1,771,681,042,140 295,280,174

Guddida Siyaasadda Miisaaniyadda Qaranka Jam. Somaliland, iyagoo ka duulaya baahiyaha guud ee uu Qaranku leeyahay iyo meelaha u baahan in la siiyo mudnaan gaar ah, shirkii Golaha Wasiirrada ee 26.11.2015, ayaa waxa isaguna hadal waafiya ka soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo 5-tii sano ee ugu dambeeyey ka mid ahaa Guddida Siyaasadda Miisaaniyadda Qaranka. Wasiir Maxamuud Xaashi wuxuu si khibrad leh oo qoto dheer uga sheekeeyey qaabka iyo hannaanka ay u shaqaynayeen Guddida Siyaasadda Miisaaniyadda Qaranku shantii sano ee ina soo dhaafay iyo sida ay Guddidu mar walba mudnaanta iyo muhimmadda koowaad u siinayeen halka ay ku jiraan danta Qaranka iyo masaaliixda ummaddu.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi wuxuu iftiimiyey in Guddida Siyaasadda Miisaaniyadda Qaranku aanay iyagu ahayn kuwa jaan-gooya, go’aamiya, qayb-qaybiya ama u qoondeeya sadka iyo saamiga miisaaniyadeed ee ay Wasaarad iyo Hay’ad kasta heli doonto. Wasiirku wuxuu sheegay tallaabo kasta oo ay qaadayaan oo khusaysa jaan-goynta Siyaasadda Miisaaniyadda Qaranka, inay marka hore Guddi ahaan si taxadir leh uga baaraan degaan cidda ay saamayn ku yeelanayso. Gabagabadii hadalkiisa Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi wuxuu Xubnaha Golaha Wasiirrada ku booriyey ina u codeeyaan Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee Sannadkan 2016-ka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo oo isagu khibrad badan iyo aqoon durugsanba u leh arrimaha Maaliyadda iyo Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ayaa wuxuu si aad u qoto dheer ula socday sharraxaadii ay Wasiirka iyo Saraakiishii Wasaaradda Maaliyaddu ka bixinayeen Odoroska Miisaaniyadda Qaranka Sannadka 2016-ka. Ugu dambayntii Madaxweynuhu wuxuu Xubnaha Golaha Wasiirrada ka codsaday in loo codeeyo Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee Sannadka 2016-ka kaasoo Wasiir Zamzam Cabdi Aadan ay hor keentay Golaha Wasiirrada.

Kaddibna Xubnihii Golaha Wasiirrada ee shirka goob-jooga ahaa ayaan iyagu guud ahaanba u kala hadhin ansixinta Odoroska Miisaaniyadda Qaranka Sannadka 2016-ka, dhammaantoodna way u codeeyeen, cid diiday iyo cid ka aamustayna may jirin.
DSC_0001

DSC_0002

DSC_0003

DSC_0004

DSC_0005

DSC_0010

DSC_0016

DSC_0018

DSC_0022

DSC_0026

DSC_0027

DSC_0028

DSC_0031

DSC_0033

DSC_0038

DSC_0043

DSC_0044

DSC_0046

DSC_0047

DSC_0048

DSC_0049

DSC_0052

DSC_0053

DSC_0054

DSC_0057

DSC_0061

DSC_0062

DSC_0064

DSC_0066

DSC_000232

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.