Guddida Doorashooyinka oo Sheegay in Dhammaanba Sanaaduuqdii Codeynta ee Gobolka Maroodijeex ay soo wada Xaroodeen

0
289

 Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex u qaabilsan guddida doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in dhammanba sanaaduuqdii lagu codeeyay doorashadii shalay ay soo wada xaroodeen.

Sidoo kale waxaa uu xusay in wakhti kooban kadib ay soo saari doonaan natiijada hordhaca ah ee doorashooyinka isa-saaran ee wakiillada iyo degaanka.

Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex u qaabilsan guddida doorashooyinka Qaranka oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Hargeysa waxaa uu yidhi. “Haddii aanu nahay guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, gaar ahaan gobolka Maroodijeex in dhammanba sanaaduuqdii lagu codeeyay doorashadii shalay ay soo wada xaroodeen.

Waxa aanu halkan uga mahad celinayna bulshaweynta reer Somaliland ee sida wanaagsan uga qayb qaadatay qabsoomida doorashooyinka.

Wakhti kooban ayay qaadan doonta natiijada hordhaca ah ee doorashooyinka isku sidkan ee golayaasha degaanka iyo wakiilladu maadama ay hadda sanaduuqda gobolka Maroodijeex intii u danbeysay ay soo xarootay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here