Guddida Guud Ee Sahan Barwaaqo Oo Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Xaaladda Banka Qoolcaday

0
520

Guddida Guud Ee Sahan Barwaaqo Oo Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Xaaladda Banka Qoolcaday .
Baaq Nabadeed
Hargeysa(WARSUGANNEWS)Caawa oo ay taariikhdu tahay 24/4/2016, Shir deg deg waxaa isugu yimid Guddida Guud ee Sahan-barwaaqo iyo Guddida Mus-danbeedka ah oo ka wada Hadlay Xaaladda Ka taagan Banka Qoolcaday , waxaanay isla qaateen in la diro Baaq Nabadeed , kuna wajahan xaaladda cakiran Ee Banka Qoolcaday .

Waxay Guddidu Soo Jeedinaysaa :

1: In Labada Dhinac Ee kala ah , Dhinaca Xukuumadda Somaliland iyo Dhinaca Dadka Degen Banka Qoolcaday in ay ilaaliyaan xasiloonida iyo amniga .

2: In arrinta lagu soo dabbaalo wada hadal , sida ay Guddidu horeba u soo jeedisay .

3: Guddida Guud waxaa ay soo dhaweenaysa cid kasta oo ka qeyb qaadatay arrinkaas iyo nabadeentiisa

4: Guddi ka kooban , Guddida Guud Ee Sahan-barwaaqo , Mus-dambeedka iyo Culimadu waxay ka qeyb qaadanayaan sidii loo soo af jari lahaa xaaladda immika ka taagan Banka .

Wa Billaahi Tawfiiq

Chief Caaqil Maxamed C/laahi Maxamuud

Afhayeenka Guddida Guud Ee Sahan Barwaaqo