Guddida Sicir bararka Madaxweynuhu u magacaabay oo la kulantay Shirkada Isgaadhsiinta Telesom iyo Arrimihii laga wada hadlay

0
388

Guddida Sicir bararka Madaxweynuhu u magacaabay oo la kulantay Shirkada Isgaadhsiinta Telesom iyo Arrimihii laga wada hadlay

Hargeysa(warsugannews)Gudidii uu madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u xilsaaray inay soo baadho kana soo tallo bixiso sicir-bararka dalka ka jira, oo uu gudoomiye u yahay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ayaa la kulmay Madaxda sarsare ee Shirkada Isgaadhsiinta TELESOM, kulankan oo ka qabsoomay Qasriga madaxtooyada ayaa qaatay saacado dhawra.

Shirkan ayaa la xidhiidha ama daba socda shirar dhawra oo gudidu hore ula yeelatay Sariflayaasha iyo dad ku xeel dheer arrimaha dhaqaalaha iyo sicirka lacagta, iyagoo halkaa ka sii wadi doona shirar kala duwan oo ay gudidu la yeelan doonto cid kasta oo ay u arkaan in ay fikrado iyo talooyin la xidhiidha sidii loo soo afjari lahaa sicir bararka dalka ka jira, ujeedadii loo aas aasay gudiduna ay ahayd inay xal-waara ka keenaan arrimahaa saameeyey bulshada qaybeheeda kala duwan.

Kulankan galabta ayaa ahaa mid lagaga wada hadlay arrimo la xidhiidha doorka sicir bararka iyo aragtida shirkada TELESOM ay ka qabto sidii lagu xalin lahaa ama lagu soo af-meeri lahaa, laguna soo dabaali lahaa sarifka lacagaha qalaad halkii uu hore uga kacay iyo in laga hoos marin karaba.

Waxaanu kulankani noqday mid ku soo dhamaaday talo iyo tusaale la isla gorfeeyey loona balamay in meel looga soo wada jeedo wax kasta oo suuragal ka dhigaya hoos u dhiga sicirka lacagaha qalaad.

Ugu danbayn waxa halkaasi ku soo xidhmay kulankii ay u dhamaayeen gudidii madaxweynuhu u xilsaaray arrimaha sicir bararka oo uu gudoominaayey madaxweyne ku xigeenka Qaranka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna gudoomiyaha gudida iyo madaxda sarsare ee shirkada TELESOM.
DSC_6618

DSC_6621

DSC_6623

DSC_6626

DSC_6628

DSC_6630