Guddidii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u xilsaaray sixir bararka iyo la dagaalanka hoos u dhaca shillinka Sland, ayaa galabta kulan ku yeeshay M-tooyada

0
369

Guddidii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u xilsaaray sixir bararka iyo la dagaalanka hoos u dhaca shillinka Somaliland, ayaa galabta kulan ku yeeshay Qasriga Madaxtooyada.

Hargeysa(Warsugannews) 17/02/2016 Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd sidii looga daba tegi lahaa Go’aamadii iyo dedaaladii ay hore guddida iyo ganacsatada dalku isula meel dhigeen ayuu shirkanina daba socday.

Shirkan oo uu gudoominaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) unna dhamaayeen guud ahaan Xubnihii guddidii madaxweynuhu magacaabay ayaa maalmaha soo socda sii amba-qaadidoona shirar muhiima oo ay ugu kuurgelayaan wixii hore loogu heshiiyey iyo wixii ka qabsoomay ama ka fulaynba.

Waxaana maanta shirkaasi si weyn loogu lafo-guray aragtida ay guddidu ka dhaxashay mudadii lagu guda jiray arrimahan Sixir bararka iyo la dagaalanka hoos u dhaca shillinka Somaliland, iyo aragtiyaha wax ku oolka ah ee xubin walba uga muuqday shirarkii ay hore u galeen iyo fikirka ama aragtida suuqyada ee wakhtigan, arrimahaa iyo kuwo kale oo ay guddigu isla gorfeeyeen ayaa la filayaa in lagu soo qaadi doono shirarka fooda inagu soo haya ee ay guddidu yeelan doonto una balan san yihiin.

DSC_0001

DSC_0002

DSC_0003

DSC_0004

DSC_0005

DSC_0007

DSC_0008

DSC_0009

DSC_0010

DSC_0012

DSC_0013

DSC_0014

ALLAA MAHAD LEH