Guddigii Isku Dhafka Ahaa Ee Loo Diray Xuduuda Somalia Iyo Kenya + Jawaabaha ay ka Bixiyeen Halka ay Wax U marayaan+Sawirro

0
375

Guddigii Isku Dhafka Ahaa Ee Loo Diray Xuduuda Somalia Iyo Kenya + Jawaabaha ay ka Bixiyeen Halka ay Wax U marayaan+Sawirro.

Muqdisho(Warsugannewsw)-Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Difaaca oo ay wehliyeen Guddiyada Baarlamaanka ee difaaca, Arrimaha Gudaha, Guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo federaalka, saraakiil iyo khubaro, maamulka Jubbaland ayaa booqasho ku tagay degmada Beled-Xaawo, iyagoo kormeeray xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Wafdiga ayaa u kuur galayey xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaannada ay cabashooyin ka soo gudbiyeen shacabka deggan ee magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Doolow ee gobolka Gedo oo la xidhiidhta arrimaha xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Guddiga ayaa sheegay inuusan jirin derbi laga dhisay xuduudda, isla markaana aysan soo arkin caalamad xuduudeed la beddelay.

Sidoo kale Guddigan waxay sheegeen inay arkeen in la qoday god qiyaastii dhan 1.6 mitir oo dhinaca Kenya ku yaalla oo u jira 6 mitir calaamadda xuduudda, iyadoo dherarka godkaasi dhan yahay illaa 700 oo mitir, iyo in duleedka magaalada Beled-Xaawo ay ku arkeen waddo la xaaray oo cago-cagaf la mariyey.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ahaa wafdiga oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dhulka aysan cidna lahayn ee Kenya iyo Soomaaliya u dhaxeeya ay ka jiraan dhaq dhaqaaqyo tuhun abuuri kara.

104

127

227

325

423

620

714

815

816

910