Guddomiyaha Golaha Guurtida Oo Ka Hadlay Dhex-dhexaadintii Uu Ka Dhex Waday Shir Guddonka Golaha Wakiillada

0
354

Guddomiyaha Golaha Guurtida Oo Ka Hadlay Dhex-dhexaadintii Uu Ka Dhex Waday Shir Guddonka Golaha Wakiillada
.
Hargaysa(Warsugannews)- Guddomiyah Golaha Guurtida Somalilnd Md: Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay halka ay u marayso waanwaanta iyo wadahadalkii ay ka dhex wadeen shir guddonka Golaha Wakiilada ee dagaalku dhex maray ,waxaanu Guddomiyuhu rajo fiican ka muujiyay inay si fiican u soo afjarmi doonto arrintani ,waxanu sido kale Guddomiyuhu baaq u diray saxaafada madaxa banaan waxanu yidhi “Laba Guddomiye oo xurgufi dhex martay kuwii ugu horeeyay maaha ,aduunyadoo dhan bay ka dhacdaa meel fiican baanay noo maraysaa ,wax aanu ku biirin karanan wa ku biirinayna ”.

Guddomiyaha Guurtida ayaa baaq u diray Saxaafada madaxbanaan oo uu ku eedeeyay inay markasta qayb ka yihiin khilaafka dalka ka dhaca waxanu yidhi “Idinka (Saxaafadda) nimanka wax walaaqaa waa idinka maalinta arrinku xun yahay waxba madaxda lama waydiiyo waa intaasoo hadal arrinta fogeeyaa naga soo dhacaa ” Guddomiye Saleeban maxamuud Aadanm oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi raaciyaya “Oodo dhacameed siday u kala sareeyaan baa loo kala guraa ,aniga (Guddomiyaha Guurtida ) Haamo iyo xilka qaadis iyo waxyaabahaas hayla soo doonanina ,golaha wakiillada isu keenidiisa iyo wanaagiisa ayaa manta inoo yala waxa kale inoo joojiya ”ayuu yidhi Guddomiyaha Guurtidu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here