Guddoomiyaha KULMIYE iyo Wefti uu Horkacayey oo si Wayn loogu Qaabilay Caynaba

0
330
????????????????????????????????????

Guddoomiyaha KULMIYE iyo Wefti uu Horkacayey oo si Wayn loogu Qaabilay Caynaba

Khudbad uu Murrashax Muuse Biixi ka jeediyey xidhitaanka shirka beesha Yoonis Adaraxmaan (Habarjeclo) oo uu baaq ugu diray siyaasiyiinta ka soo horjeeda Somaliland

Hargeysa (Warsugannews)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayey oo socdaal ku tagay magaalada Caynaba ee xarunta Gobolka Saraar, ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey halkaasi shalay.

Guddoomiyaha iyo murrashaxa KULMIYE Md. Muuse Biixi iyo weftigiisa oo ay xubno ka ahaayeen hoggaanka sare ee xisbiga iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda, kuwaas oo ujeeddada socdaalkood la xidhiidhay ka qaybgalka xidhitaanka shir dhaqameed beesha Yoonis Adaraxmaan (Habarjeclo) uga socday deegaanka magaalada Caynaba ee xarunta Gobolka Saraar muddo laba toddobaad ah, waxa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Caynaba iyo goobta shirku ka qabsoomay, waxaanna boqolaal dadweyne ahi safaf dhaadheer u sii galeen qaabilaadooda iyagoo sita caleemo qoyan iyo fardo ay saarnaayeen rag fardo-fuul ahi.

Md. Muuse Biixi oo soo dhawayntaasi kadib khudbad ka jeediyey shirka waxa uu taageeray go’aamo ka soo baxay oo u badan qodobo la xidhiidha horumarinta iyo danaha Somaliland, waxaannu yidhi, “Waxaan hambalyeynayaa shirkan iyo go’aamada fiican ee ka soo baxay oo runtii ah aan ku salaysnayn beel ee afarta qodob ee horeba yihiin kuwo qaran oo loo baahnaa, annaguna aannu aad iyo aad u taageerayno.”

Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu xusay in jiritaankeeda iyo xuduudaheeduba la da’ yihiin dalalka Afrikaanka oo dhan oo xuduudahooda mar uu wada sameeyey gumaystihii reer Yurub, sidaasi darteedna waxa uu talo walaalnimo u diray siyaasiyiin uu ka mid yahay Prof. Cali Khaliif Galaydh oo uu u soo jeediyey in wixii ay ka tabanayaan gudaha Somalilnad ku soo bandhigaan habka wadahadalka ee dhaqanka u ah reer Somaliland, isla markaana la dhegaysan doono.

“Waxa jira xubno ka mid ah Somaliland oo ah raggii joogay shirkii Burco 1991-kii oo siyaasi iyo madaxdhaqameedba leh oo ixtiraamkooda iyo milgahooda lehi inay ilaa maanta ka biyo-diidsan yihiin ama wax ka tabanayaan Somaliland siyaasiyan. Waxaynu ognahay Buuhoodle inuu shir ka socdo uu hoggaaminayo nin wayn oo siyaasi sharaftiisa leh oo Somaliland ah oo aannu meel wax ku wada baranay, markaa haddii ay tahay wax dhaliil ah oo gudaheenna oo maamul ah tahay waxaannu ugu baaqaynaa raggaa innaga maqan ee milgahooda leh shir noocan oo kale ah (shirka dhaqanka ee beesha Yoonis Adaraxmaan) ayuun baa khilaafka gudaheenna lagu xallin karaa, innagoo wada joogna oo is tusna halkay wax halkay wax ka khaldan yihiin, waayo waxaynu ku caano-maalnay oo shirkaa maanta iyo kuwii horeba ka mid yihiin inaynu khilaafaadkeenna sidaa ku xallisanno,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Haseyeeshee, macquul maaha raggaa siyaasiyiinta ah ee maanta qaarkood Buuhoodle joogaan Somaliland ha lagu rido Xamar oo ay ka dhisan yihiin labaatan Madaxwayne oo mid waliba gooni-u-goostay, Xamar oo ay ciidammo shisheeye ilaalinayaan, Xamar oo mustaqbalkeeda cidda gacanta ku haysa aan la garanayn ayaan gaynayaan Somaliland oo ma aaminsani dawladdayda, dalkayga iyo sharciga, waxaan leeyahay walaal nama qabato ee wax aka wanaagsan in aynu isu nidaadno oo waxaad tabanayso isla eegno hadday dastuur tahay iyo hadday siyaasad tahay oo aynu waxeenna ku dhammaysanno innaga oo Somaliland waynu dhammaysan karnaaye.”

Waxa kaloo uu sheegay in inta badan dhibaatooyinka ka jira meelo ka mid ah gobollada dalka ay abuuraan siyaasiyiin ka soo horjeeda Somaliland, waxaannu yidhi, “Dhibaatooyinka laga cabanayo ee la leeyahay waxay ka jiraan Sool, Buuhoodle iyo halkaa waxa wada siyaasiyiin diiddan Somaliland, taana macquul uma arko, waxaannan ugu baaqayaa in aynu ku dhammaysanno Somaliland-nimo, waxa Somaliland ka dhexeeya calanka, dalka, khayraadka ama waxa Ilaahay inna siiyey iyo talada dadkeeda, markaa ka mid noqo oo ka tali, laakiin meel iyadiiba gubanaysa ha iiga warramin.”

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????