Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland oo sheegay xilliga uu dhacayo Shir Sannadeedka 3aad ee Qurbajoogga Somaliland‏

0
308

Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland oo sheegay xilliga uu dhacayo Shir Sannadeedka 3aad ee Qurbajoogga Somaliland

Hargeysa(Warsugannews)Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga JSL Mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi oo maanta la hadlay telefiishanka qaranka JSL ayaa sheegay inay haatan Wakaaladda iyo Wasaaradda Arrimaha Debaddu dhamaystireen qabanqaabada iyo diyaar u garawga qabashada Shir Sannadeedka 3aad ee Qurbajoogga Somaliland oo ka dhacaya 2-3 August Hudheelk a Maansoor ee magaalada Hargeysa. Guddoomyaha ayaa tilmaamay in shirkan oo loo agaasimay si aad u heer sarraysa ay ka soo qaybgalayaan inka badan 300 ergay oo ka kala socda aqoonyahanka qurbajoogga Somaliland, indheer garad iyo xeel dheerayaal ah, shirkadaha ganacsiga maalgashadayaal kala duwan, hay’adaha horumarinta heer qaran iyo kuwa caalamiga ahba qaarkood, iyo sidoo kale wasaaradaha laf dhabarta ah ee gaar ahaan dhinacyada adeegyada bulshada iyo waxsoosaarka ku shaqada leh.
Waxa laga filayaa shirkan inay ka soo baxaan natiijo fiican oo waxka tarta itijaaha togan iyo horumarinta siyaasadda dawladda ee xagga dhiirrigelinta doorka qurbajoogga Somaliland ee ka qaybgalka maalgashiga iyo horumarinta guud ee qaranka JSL.

Wakaaladda Qurbajooggu iyadoo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Debadda JSL waxay ku dadaashay in la tayeeyo oo waxbadan laga bedelo qaabka loo qabanayo Shir Sannadeedka arrimaha qurbajoogga ee sannadlaha ah oo uu noqdo madal waxtar iyo midho u yeelata dalka sannad walba.

Guddoomiyuhu wuxu u rajeeyay guul iyo horumar qurbajoogga Somaliland sannadkan iyo ka soo qaybgal fiican in lagu martiqaaday shirkan.

Natiijada laga filayo shirkan ka daalaco mareegta Wakaaladda www.sldiasporaagency.org todobaad kadib haddii Alle idmo.

Somaliland Diaspora Agency
sldiasporaagency@gmail.com