Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo shacbiga ka tacsiyadeeyey Geerida Ina Food-yare

0
396

XISBIGA MIDNIMADA & HORUMARINTA SOMALILAND (KULMIYE) Date: 20/03/2016
Ujeeddo: Tacsi

Hargeysa(Warsugannews)Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo xubnaha kale ee hoggaanka xisbiga oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbigu waxay tasi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka geerida ku timi Marxuum Cismaan Xuseen Siciid (Ina Food-yare) oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa xalay (20/03/2016), si gaar ah waxay tacsi ugu dirayaan Marwo Sitiin Xasan Jaamac oo ka tirsan haldoorka xisbiga KULMIYE oo Marxuumku saygeedii ahaa.

Marxuum Cismaan Xuseen Siciid waxa uu ka soo qaybqaatay hawlihii halgankii, dib-u-dhiskii iyo nabadayntii dalka.

Mudane Muuse Biixi iyo masuuliyiinta KULMIYE waxay Marxuumka Alle uga baryayaan inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabka uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE