Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga oo tacsi u diray madaxdhaqameedka iyo guud ahaanba shacabka

0
439

Xisbiga KULMIYE (Xisbiga Midnimada Iyo Horumarka JSL)

May 15, 2016
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Ujeeddo: Tacsi
Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna
Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah
Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha waxa uu
tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, Asxaabta,
madaxdhaqameedka iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland geerida ku
timi Cheif Caaqil Cawl Cabdulle Nuur oo ku geeriyooday magaalada
Hargeysa xalay (15/05/2016).
Marxuumku ka mid ahaa Madaxdhaqameedka Somaliland ee samo-taliska iyo
hal-adaygga u saaxiibka ahaa, waxaannu ku suntanaa nabadda iyo horumarka
shacabka Somaliland, gaar ahaan Gobolka Sanaag oo uu si gaar ah ugu
shaqaynayey muddo ka badan 60 sannadood.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu Marxuum Cawl
Cabdulle Nuur Ku sifeeyay shakhsi dulqaad badan, samo-talis ah, guddoon
wacan iyo caqli badnaan u saaxiib ahaa, isla markaana qiimo badan ku
lahaa Qaranka Somaliland.
Ugu dambayntii, waxa uu Marxuumka uga baryayaa Alle inuu jannadiisa
Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelada, madaxdhaqameedka iyo
guud ahaan shacabkana inuu samir iyo iimaan ka siiyo
Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE