Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Musharaxa Madaxweynaha ayaa tacsi u diray Shucuubta Labada Dal ee Somaliland iyo Jabuuti

0
604
????????????????????????????????????

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Musharaxa Madaxweynaha ayaa tacsi u diray Shucuubta Labada Dal ee Somaliland iyo Jabuuti

Ujeeddo: Tacsi

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ka tacsiyadaynayaa qoyska, qaraabada, asxaabta, ganacsatada iyo shucuubta dalalka Somaliland iyo Jabuuti geerida ku timi Alle ha naxariistee ganacsade Marxuum Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim Dheere) oo ku geeriyooday dalka Jabuuti maanta (12/11/2015).

Mudane Muuse Biixi waxa uu ku sifeeyey Marxuum Ibraahim Dheere maalqabeen magac ku lahaa guud ahaan Gobolka Geeska Afrika, isla markaana waxtar fara badan ku lahaa horumarka bulshada ku dhaqan Gobolka, gaar ahaana door wayn kaga jiray dalalka Jabuuti iyo Somaliland.

Ugu dambayntii, Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, asxaabta, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka inuu samir iyo iimaan innaga siiyo Marxuumka. Aamiin…. Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here