Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYEMd. Muuse Oo Tacsi u diray Ehelka iyo Qoyskii uu ka baxay Marxuum Siciid Maxamed Siciid

0
342

TACSI
Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka geerida ku timi Marxuum Siciid Maxamed Siciid oo ku geeriyooday magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag maanta oo taariikhdu tahay 04/09/2016.
Marxuum Siciid Maxamed Siciid waxa uu ka mid ahaa aqoonyahanka da’da yar ee uu ku jiray dadaalka horumarinta waddankiisa, waxaannu geeridiisa si gaar ah Guddoomiyuhu uga tacsiyadaynayaa guddoomiyihii hore ee xisbiga KULMIYE ee Gobolka Sanaag Axmed Siciid Cabdi (Xaaji Gadh-duub) oo adeer u ahaa marxuumka.
Sidoo kale, Maamulka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Sanaag, ayaa iyaguna tacsi taa la mid ah u diraya qoyska, ehelada iyo shacabka geerida Marxuum Siciid Maxamed Siciid.
Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta kale ee xisbigu waxay marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.
Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE