Guddoomiye C/rahmaan Cirro Oo Curashada Bisha Barakaysan Ee Ramadaan Dhammaal Hambalyo Ah U Diray Shacabka Reer Somaliland Iyo Shucuubta Islaamka

0
361

Guddoomiye C/rahmaan Cirro Oo Curashada Bisha Barakaysan Ee Ramadaan Dhammaal Hambalyo Ah U Diray Shacabka Reer Somaliland Iyo Shucuubta Islaamka
————————————————————–
Guddoomiyaha golaha wakiilada somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga waddani C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, isagoo ku haddlaya magaciisa ka golaha wakiilada somaliland iyo ka xisbiga WADDANI wuxuu dhammaal hambalyo u dirayaa guud ahaanba shucuubta islaamka meelkasta oo ay ku kala noolyihiin, gaar ahaan shacabka reer somaliland Dalka iyo Debadba, curashada bisha barakaysan ee ramadaan caawa oo bisha miilaadigu tahay 6/06-2016 curatay, halka ay bisha hijriga ahi ka tahay caawa 1-09-1437.

Guddoomiyuhu wuxuu alle ka barayaya inuu bishan barakaysan ee Ramadaan khayrkeeda ina waafajiyo inagana yeelo kuwii ku camira cibaado suuba iyo camal saalixa, sanadkan sanadkiisana alle ha inagu gaadhsiiyo caafimaad qab iyo cimri dherar.

Dhanka kale guddoomiye cirro ayaa alle uga beryay inuu caafimaad sareecana siiyo inta xanuusanaysa ee aan awoodin inay waajibka soonka gutaan, halka intii dhimatayna uu alle uga baryey inuu u rabi naxariistisii janotul Fardows uu ka waraabiyo

Guddoomiye Cirro ayaa gunaanadkii ugu baaqay dhammaanba buslshada muslimiita ah ,gaar ahaana shacabka reer somaliland in ay ka faa’iidaystaan khayrka bisha barakaysan ee Ramadaan,waxaanu ugu baaqay in ay ka dheeraada wixii soonkooda wax yeelaya
Allaa Mahad Leh

Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI