Guddoomiye Guurtida Saleebaan Oo Ka Hadlay Kor U Kaca Qiimaha Sarrifka Dollarka Iyo Quutal-daruuriga

0
758

Guddoomiye Guurtida Saleebaan Oo Ka Hadlay Kor U Kaca Qiimaha Sarrifka Dollarka Iyo Quutal-daruuriga

Hargeysa(Warsugannews)Guddoomiye Saleban Oo Ka Hadlay Kor U Kaca Qiimaha Sarrifka Dollarka Iyo Quutal-daruuriga
Xildhibaanada Golaha Guurtida ayaa Kal-fadhigii ay Shalay yeeshaan, oo uu gudoominaayo Guddoomiyaha Guurtidu Saleebaan Cabdi Aadan, ayaa si adag uga hadlay maceeshada sare u kacday, sicir bararka, iyo Sarifka lacagta Doolarka, waxayna Xilidhibaanada Golaha Guurtidu sheegeen inay dadkii danyarta ahaa sameeyn xoogan ku yeelatay Meecashadu.

Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay jiraan dad badan oo danyar ah oo ay adag tahay sidii ay ku heli lahaayeen nolol maalmeedkooda.

Guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan oo fadhiga ka hadlay ayaa yidhi “Ma Sicir baanu go’aynaa, bal aynu ka fikirno sidii aynu u ogeyn lahayn, haddii aynu Guddida Dhaqaalaha u dirayno waa halkeeda, Baanku Dhaqaalaha ma xukumo, haddii uu Doolar hayo Suuqa ha soo galiyo markaas Doolarku wuu dhacayaa, Cantuugada jilaalka weeye, dad badan oo aan qadayn ayaa jirta, maxaynu qaban karnaa, bal Guddidiina Dhaqaalalahay, halkan yeynaan hadalka iska odhanin, ee isku baxo talo soo jeediya sida aynu waxa u qabanayno, dawladda aynu sheegayno ka mid baynu nahay, Dawladdu Xukuumaduun maaha ee ka mid baynu nahay, Guddida Dhaqaalahu ha soo daristo, oo marka dambe ee aynu isku nimaadno talo aynu soo jeedin, oo yaanay inaga noqonin nin walba halkiisuun “Xamse Cumar Maxamed Guuleed

Warsugannews

warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/OFFICE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here