Gudida Horumarinta Beelaha Dega Gobalka Hawd Oo Baaq Fariin Ah U Diray Kominshanka Doorashooyinka Somaliland (Sawiro)

0
326

Gudida Horumarinta Beelaha Dega Gobalka Hawd Oo Baaq Fariin Ah U Diray Kominshanka Doorashooyinka Somaliland (Sawiro)
Hargeysa (Warsugannews): Gudida horumarinta beelaha dega deegaanda Gobalka Hawd ee lugu magacaabo (AFGARD) ayaa waxaa ay baaq fariin ah u direen kominshanka doorashooyinka Somaliland .

Gudida oo saxaafada kula hadashey hotel Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay kominshanka doorashooyinka ugu baaqeen in la kordhiyo wakhtiga laga soo qaadayo sanaaduuqda diwaangalinta goobaha ku yaala meelaha xududa ah ee gobalka Hawd .

Waxaa ay sabab uga dhigeen gudidu baaqoodan aabaro xoogan oo ku dhacay dadkii rer miiga ahaa ee deganaa deegadnaasi isla markaana sabab u noqdey in ay u guuraan dhinca dalka Ethiopia kuwaas oo maalmo ka hor lug ku yimid goobaha ay yaalan sanaaduuqdu ee ay deganayeen isla markaana wakhtigii sanaadiiqda laga soo qaadi lahaana uu maanta ku eegyahay iyaga oo aan wali isdiwaangalin

Ugu horeyn waxaa madasha ka Hadley gudoomiyaha gududa AFGARAD Maxamed Warsame Ducaale waxaana uu sheegay in uu masuulyiinta gudida doorashoyinka ugu baaqayo in wakhti loogu daro goobaha ku yaala deeganada xuduuda ee gobalkaasi Hawd isagoona ka digay in hoos loo eegi waayo baaqaas ay soo sareen waxaana uu yidhi

“Waxaan doonaya in aan maanta ka hadlo arinta diwaangalinta ee ka socota gobalka Hawd waxaa loogu talo galay diwaangalintu in ay socoto 28 cisho todobaadka ugu horeeya in ay si isdaba jog ah loo diwangaliyo isla markaana ay 30 gobood ba furnaadaan arimo farsamo awgood todobaadkii hore afartii maalmood ee ugu horeeyey waa ay xidhnayeen waana la wadaa ogaa sababtii ay u xidhnayeen , hadaba todobadii cisho ee ugu horeeyey maanta ayaa ugu danbeysa dadkiina labadii cisho ee ugu danbeeyey ay u suurto gashay in ay isdiwaangaliyaan oo ay soo galaan .

Markas waxaanu ku talinaynaa oo aan ka noqosho laheyn todobada gobood ee ay ugu horeyso Sayla , Bali-Cabane , Gumar , Kaabada Bariga , Baligubadle iyo kaabada galbeedba in ay furnaadaan isla markaana uu qalabku sidiisii u si yaalo balse aqbali meyno in hal goob la isku geeno afar cisho goobihii kalana ay sugaan “ ayuu yidhi

Sidoo kale gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu ka digay in gudida doorashoyinku ay baaqoodaas ay hoos u eegi wayaan waxaana u yidhi

“ hadii ay taasi suurtoobi weydo 24 sacadood ee soo socda waxaanu qaadi doona waxii nala gudboon” ayuu hadalkiisii ku soo koobay gudoomiyuhu

Dhinca kale waxaa isna halkaasi ka Hadley xubin ka mid gudida AFGARAD oo lagu magacaabo Siciid Daahir Siciid waxaana uu yidhi

“ sida uu sheegay gudoomiyuhu arintaasi waxaa ay sameeyn ku yeelaneysaa dadka deegnadasi degan dhulku waa abaar dad soo daalay oo soo gaajoodey oo u soo lugeeyey sidii ay isku diwaangalin laheeyen inta meel la soo tumo in la yidhaahdo meel aad iska diwangalisaan ma jirto waa arin xaqooda duudsiineysa waxaanan leeyahay dadku qarsoomi mayaan sida qiiqa oo circa ku baabi mayaan ee xaqooda ayey u taagan yahiin anaguna aanu ugu hadleynaa” ayuu yidi Siciid Daahir Siciid oo ka mid ah gudida horumarinta beelaha dega Gobalka Hawd iyo xaafada Axmed Dhagax.

1

2

3

4