Gudida Horumarinta Degmada Maydh Oo Beeniyey Warar Been Abuura Oo Laga Baahiyey Maamulka Degmada Maydh

0
502

Gudida Horumarinta Degmada Maydh Oo Beeniyey Warar Been Abuura Oo Laga Baahiyey Maamulka Degmada Maydh

Maydh(Warsugannews)-Gudida Horumarinta Degmada Maydh ayaa beeniyey warar been abuura oo laga faafiyey maamulka degmadaasi kuwaas oo lagu baahiyey shabakada Oodweynenews

Afhayeenka Gudida Horumarinta Degmada Maydh Jaamac Dhunkaal Dube oo maanta warbaahinta kula hadlaayey Magaalada Ceerigaabo ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa

“Aniga oo ah Afhayeenka Gudida Horumarinta Degmada Maydh Jaamac Dhunkaal Dube waxaan halkan ku beeninaynaa warkii shabakada OODWEYNE NEWS ay qortay 08/5/2016 kaasoo lagu durayey maamulka degmada Maydh warkan oo magacyada dad aan anigu ku jiro laga been abuuray.Hadaba waxaanu aad uga xunahay in OODWEYNE NEWS shaaciso warar aan sal iyo raad lahayn ,waxanu kaloo ka xunahay in laga been-abuuro dadka magacyada kuwaasoo aan waxba kala soconin warkaas been abuurka ah ee la shaaciyey si khaldana loo adeegsaday magacyadooda.

Magacyadaasi intooda badani kuma sugna mana degana magaalada Maydh markaanu waraysanayna waxaynoo sheegeen in aanay waxba kala socon warkaas ay qortay shabakada OODWEYNE NEWS.”

Afhayeenka Gudida Horumarinta Degmada Maydh Jaamac Dhunkaal Dube oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi” Sidaas daraadeed waxanu cadaynaynaa in Magaalada Maydh uu kasocdo horumar la taaban karo oo isugu jira shaqo abuuris , kor-uqaadida kaabayaasha dhaqaalaha , qaarkood hore ayay u fuleen qaar kalena dhowaan ayaa laga filayaa mashaariicda Somaliland Development Fund SDF. Mashaariicdaasi waxay hanaqaadeen mudadii uu xilka hayey Madaxweynaha JSL AXMED Maxamed maxamuud (siilaanyo) iyo wadashaqaynta xukuumadda JSL , maamulka Degmada Maydh iyo shacabka degmada Maydh. Taasina waa mid mudan amaan iyo bogaadin.

Afhayeenka Gudida Horumarinta Degmada Maydh Jaamac Dhunkaal Dube ayaa Maayarka Degmada Maydh Prof.Xuseen Sh.C/raxmaan Sh.Siciid Maydh ku amaanay isla markaasina ku hambalyeeyey horumarka balaadhan ee uu kaseemeyey Degmada isagoo arimahaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi”Waxan halkan Hambalyo iyo amaan mug iyo miisaan culus leh uga gudbinayaa Maayarka Degmada Maydh Prof.Xuseen Sh.C/raxmaan Sh.Siciid Maydh oo runtii ah shaqsi hawl-kar ah oo mudadii uu joogay degmada horumar balaadhan oo dhan walba ah u soo hooyey iyadoo aynu wada ognay inay 2.9 milyan dolar mashaariic ka badan laga fuliyey qaarna gacanta lagu hayo taas oo uu dadaalkeeda leeyahay Prof.Xuseen oo ah nin aqoon yahan ah oo u dhuun daloola hanaanka horumarinta degmooyinka sidoo kale waxa amaan iyo hambalyo muugle mudan Xukuumada talada haysa oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo taas oo ina tusaysa ahmiyada balaadhan ee xukuumadu galisay ama ay u hayso horumarinta degmadeenan qadiimka ah ee qiimaha badamn qarankeena ku joogta.”

GUDDIDA DEGMADA MAYDH

1. Xuseen Cabdulle Yaaquub

2. Xuseen Xasan Liibaan

3. Jaamac Xueen Yuusuf

4. CabdiXuseenXasan

5. Siciid Barre Xasan

6. Jaamac Dhunkaal Dube

7. Cabdulcasiis Maxamed Siciid

8. Axmed Faarax Xaan

9. Axmed Cabdi Guhaad