GUDIDDA GURMAD GUN-NIMAY KA GIL-GISHEEN EE WAA GUUL IYO GALLAD ILLAAH HADDAY GAYIGA NOO TIMI !!!!! W/Q: Mr.Hamse Bashe Wiyeer (H.shaadhey)

0
458

GUDIDDA GURMAD GUN-NIMAY KA GIL-GISHEEN EE WAA GUUL IYO GALLAD ILLAAH HADDAY GAYIGA NOO TIMI !!!!! W/Q: Mr.Hamse Bashe Wiyeer (H.shaadhey)
__________________________________________________________
Dhamaan Akhristayaasha Sharafta Muddan Salaan kadib, Waxaan manta kelmaddo kooban ka odhanayaa Xaaladdaha jira ee Abaaraha, biyo iyo baad la’aanta ka jirta dhulal baddan oo dalka kamid ah.

Allaha Isagaa Xumaan dhamaanteed ka fogge, Sharafina Nabi maxamed ayey u sugnaataye, Quraanka kariimka ah iyo Axaadiista rasuulka sidda aynu rumaysanahay waxaa la inoogu sheegay in dhib kasta oo reer bani-aadam ku dhaca in ay yihiin wax ay gacmahooda ku kasbadeen.

Dhibatooyinka ay kamid yihii abaarahan ka jira degaanadeenu waa kuwo aynu rumaysanahay in ay yihiin imtaxaan rabi iyo dhib aynu gacmaheena ku abuuranney, Xaqiiqadda xalkuna sida uu rasuulku inoo sheegay ay tahay in rabi SWT loo soo noqodo oo dambi dhaafka la badiyo, si roobabka iyo barakooyinka samadda rabi inoogu furro, dhulkii dhintayna uga dhigo mid soo noolaaday.

Intaasi ha iga ahaato Is xasuusin iyo hadal afeeftii oo aan mahadnaq runtii aan lasoo koobi karahayn aan u diro dhamaan cid kasta oo ka qayb qaadatay gurmadka abaaraha ba’an ee isha aragtaa ka ilmaynayso ee ka jira deganadeena, Si gaar ahna aan u xusso Gudidda Gurmad oo dedaal is xilqaamid ah maalmihii ugu dambeeyey ka wadday degaano baddan oo kamid ah Konfur-galbeed Somaliland, sida degaanadda ka tirsan gobolka hawd iyo kuwo u dhexeeya labada gobol ee Maroodi-jeex iyo Hawd.

Runtii Gudidda oo ah xubno firfircoon, khayr doon ah, dad jacayl iyo dadaal hawsha culus ku wadda ayaa leh Xubno sare oo ka kooban Culimo, Ganacsato iyo Aqoonyahano dhalinyaro ah , Gudidan markii ay argtay baahiyaha bani-aadanimadda ee ka jirta degaanadda abaaruhu ka jiraan, is xilqaamid iyo karti si sharafi ku jiro ay dhamaan uga hawl galeen halka bulshadda inteeda kale gaar ahaan kuwa kasoo jeeda degaamaddan ee ku kala nool dalka dibadiisa iyo kuwan guddaha si daacadnimo iyo xalaal miirasho ah lacag uga uruurinaayey, Halka maalin kasta oo ay dad khayr doon ahi ka qayb-qataan gurmadkan lasoo bandhigayey magaciisa iyo xaddiga lacagta uu bixiyey, sidoo kale ururkan oo runtii booyaddo biyo ah oo aad u baddan iyo Noocyadda kala duwan ee Raashinka u qaybiyey deganadda ayaa Duco, dardaaran iyo Mahadnaq u diraayey cid kasta oo ka qayb qaadata hawshan Mutadawacnimadda ah.

Gudidan Gurmad, aniga iyo qof kale midkoodna ma xusayo ee waxaa inbadan ka sheekayn doonta taariikhda, kadib marka la fiiriyo hawsha ilaa xaddka ay gaadhsiisantahay oo iska dhaaf dad is urursaddaye, xitaa dawlad jirtaa aanay wax ka qaban Karin.

Dhanka kale Gudiddan waxaa mid lugu amaano muddan,ahna mid ay naga mudan yihiin in aynu ALLAH aynu dhamaanteen u waydiino dambi dhaaf iyo Abaal marin jannatul-fardawso ah sidda cadaaladda ah ee ay dadka ugu gargaarayeen, halka mar kasta dadka u soo jeedinayeen Usoo noqosho rabi iyo dambi-dhaafka rabi in ay badiyaan.
Amaanta iyo sharafta waxa kale oo muddan dhalinyaro, aqoonyahano dalka dibadiisa kusugan oo si Naxariis, tolnimo iyo sharafi ku jirto lacagta qadhaanka ugasoo uruuriyey bulshadda qurbo-jooga ah.

Gebo-gebaddii hadii is kaalmaysiga tolnimo iyo walaaltinimo siddan kusii socoddo waxaa wax lugu faanno noqonaysa ka badbaadida wax kasugidda dad shisheeye, sida Hayaddo iyo ururo dawladu faraha kula jirto oo inta badan balantoodi aanay hirgelin, halka laga maar-mayo qolooyinka iska dhaaf wax ay ku taraanne, inta aad hayso kaa-kala tuuraya ee Iskugu yeedha “Deeq-bixiyayaal” Subaxannallah ka deeqda iyo qasnadaha dhulka iyo cirka furaanna waa ALLAH.
“Guddida Gurmad Gun-nimay Gayiga ka Furteene waa Guul iyo Gallad Ilaah”
Wa-bilahi-tawfiiq “Rabi Xaqa iyo jidka toosan ha ina garadsiiyo”
Mr.Hamse Bashe Wiyeer (H.shaadhey)
E-mail: Xamse18@gmail.com
Tell: +252-63 4457401
Hargeysa/Somaliland