Gudidii Madaxweynuhu u xilsaaray Abaaraha oo kulankoodii u horeeyey Yeeshay +Arrimihii lagaga wada hadlay

0
346

Kulan Muhiima oo Bar-bilow u ah, yoolka iyo Mudnaanta goobaha Abaaruhu saameeyeen oo Guddida u xilsaaran isku-dubarididda qaadhaan ururinta dadweynaha iyo qorshaynta kaalmada la gaadhsiinayo dadka tabaalaysan oo maanta ka qabsoomay Xarunta Qasriga Madaxtooyada.

Hargeysa(Warsugannews)Kulankaas oo uu gudoominayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL ahna gudoomiyaha Guddida Abaaraha ayey ujeedadiisu ahayd sidii loo daradar gelin lahaa loona bilaabi lahaa qaadhaan ururinta iyo qorshaynta deeqaha la gaadhsiinayo dadka taabalaysan ee muddooyinkii u dambeeyey la il-darnaa abaaraha daran ee saameeyey dad iyo duunyaba.

Haddaba intii kulanku socday waxaa lagaga wada hadlay sidii shaqada loo qaybsan lahaa isla markaana gurmad degdeg ah loo gaadhsiin lahaa dadka iyo xoolaha aan biyo iyo baad-midna haysan.
Waxaa sidoo kale qorshe cad oo bar bilow u noqon doona laga sameeyey habka iyo hanaanka loo hawl-galayo iyo ciwaanada dadku kusoo hagaajin doonaan deeqaha ay dadkooda u hurayaan.

Guddida ayaa sidoo kale isla eegay qorshaha fog ee abaaraha soo noqnoqday ee dalka ka jira looga bixi lahaa mustaqbalka iyagoo xusay in marka shaqadani soo idlaato ay dejin doonaan qorshe waara oo abaaraha lagula tacaalo.
Markii kulanku soo dhamaaday waxa Saxaafada la hadlay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada imikana loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyo Sheekh Maxamed Aadan oo dhamaantood xusay xaalada Abaareed ee Dalka ka jirta iyo sidii looga gashaaman lahaa, waxaanay sheegeen in ay ugu horaynba duco wadareed ka samayn doonaan dhamaan masaajidada dalka maadama Illaahay oo kaliya uun Ummadda iyo Xoolahaba biyo iyo baad-ba gaadhsiin karo.

Sidoo kale waxay ka dhawaajiyeen gudidu sidii qaadhaan degdeg ah looga ururin lahaa bulshada qaybaheeda kala duwan loona gaadhsiin lahaa dadkii ku haboonaa.
Guddida ayaa sidoo kale bahda Saxaafada ka codsaday in ay gacan mugle ka gaystaan dhankooda sidii dhawaqa abaaraha loo gaadhsiin lahaa halka ugu dheer.

Isku soo wada duubo kulankan guddida ayaa ku soo idlaaday hawl-maalmeedyo lakala qortay iyo bilow dardar badan ka muuqato, waxaanay muujiyeen sida ay uga go’an tahay gudashada xilkaa adag ee madaxweynuhu u igmaday.
waxaanay ugu dambayn gudidu bulshada ka codsadeen in ay si hagar la’aan ah gacan uga gaystaan taakulaynta dadkooda jilicsan, sida ugu haboona ay u soo gudbin doonaan meelaha lagu soo hagaajin doono kharashaadka Abaaraha.

IMG_9828

IMG_9831

IMG_9832

IMG_9836

IMG_9839

IMG_9841

IMG_9843

IMG_9845

IMG_9847

IMG_9857

IMG_9897

IMG_9901

IMG_9902

IMG_9904

IMG_9911

IMG_9915

IMG_9919

IMG_9922

IMG_9924

IMG_9933